Xikmadaha

0
490
  • Shamac yar oo shidato ayaa ka qiimo badan inaad weligaa mugdi ku jirto.
  • Guriga aanay oolin Kutubi waa guri aan ruux lahayn.
  • Nabada is fahan ayay ku timaadda
  • Maka qof la amaano dad yar ayaa rumaysta, laakiin marka la dhaliilo dadka dhan ayaa rumaysta.
  • Dadku dhibaatada ayay ku kala baxaan
  • Nolosha waxay u arkaan inay tartan tahay, keebaa caansan , keebaa taajir ah, keebaa saaxiibo badan, keebase shaqo wanaagsan. Waa halkaasi meesha uu ka bilaabmo xaasidku, marka aanu qofku kalsooni ku qabin Allh (sw).

 

  • Waxay ka baqayaan inaad adigu ka dheereyso iyagana loo arko Faashil. Mar kasta oo aad ka dheereyso neceybka ayaa ku sii kordha.
  • Waxa laga yaaba inay aaminsan yihiin in aanad u qalmin heerka aad joogto. Marna kama fikirayaan hawsha adag iyo dadaalka aad halkan ku soogaadhay.

 

  • Waxa laga yaabaa inaad leedahay dabeecado dadku neceb yihiin sida Bakheylnimo, , kibir, Been badan, lugooyo, qaraabo goys, iwm. Taasi waxay ka fogaaysa Bulshada kale.

Leave a Reply