Mushaharka ciyaartoyda Bayern Munich ayuu isbeddel ku dhacay, kaddib markii ay kooxdaasi u dhaqaaqdhay saxeexa xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane oo maalinta Salaasada tijaabada caafimaadka ugu mari doona Allianz Arena.
Bayern Munich ayaa bixin doonta £35 milyan oo Gini oo ay kula wareegayso Mane, iyadoo Liverpool ay aqbashay dalabkan ugu dambeeyey kaddib laba jeer oo hore oo ay kooxda Jarmalku soo gudbisay dalabyo xambaarsanaa lacag ka hoosaysa Inter.
30 jirkan ayaa heli doona mushahar laba-jibbaar iyo ka badan ka sarreeya midkii uu ka qaadan jiray Liverpool, hase yeeshee kaalinta siddeedaad ayuu kaga jiraa liiska mushaharka Bayern Munich, waxaana jira toddoba laacib oo kale oo ka mushahar badnaan doona.
Sadio Mane ayaa u xaadiri doona £250,000 Gini toddobaadkii, halka Liverpool uu ka qaadan jiray £100,000 Gini usbuucii, waxaana marka uu tijaabada caafimaadka maro Salaasada la filayaa in si rasmi ah ay kooxdu u shaaciso mushaharkiisa iyo sidoo kale lambarka uu xidhan doono.
Robert Lewandowski ayaa ah ciyaartoyga ugu mushaharka badan Bayern Munich, waxaanu toddobaadkii u xaadiraa lacag gaadhaysa £369,000, waxaana ku xiga goolhaye Manuel Neuer oo dhowaan heshiis cusub saxeexay, mushahar ahaana u qaatay £321,000 toddobaadkii, waxaanay isku mid yihiin Thomas Muller halka ciyaartoyga afraad ee liiska saddexda boqol ee kun toddobaadkii uu soo galay Joshua Kimmich.
Lereoy Sane, Leon Goretzka iyo Kingsley Coman oo min £273,000 qaata toddobaadkii ayaa iyaguna ka sarrayn doona Sadio Mane oo mushaharkiisu noqonayo £250,000
Halkan kaga bogo liiska mushaharka ciyaartoyda Bayern Munich
Josip Stanisic | £15,000-toddobaadkii
Sven Ulreich | £25,000-toddobaadkii
Omar Richards | £40,000-toddobaadkii
Bouna Sarr | £40,000-toddobaadkii
Marc Roca | £40,000-toddobaadkii
Tanguy Nianzou | £48,000-toddobaadkii
Eric Maxim Choupo-Moting | £63,000-toddobaadkii
Jamal Musiala | £81,000-toddobaadkii
Benjamin Pavard | £81,000-toddobaadkii
Alphonso Davies | £113,000-toddobaadkii
Corentin Tolisso | £113,000-toddobaadkii
Niklas Sule | £113,000-toddobaadkii
Marcel Sabitzer | £113,000-toddobaadkii
Serge Gnabry | £129,000-toddobaadkii
Noussair Mazraoui | £132,000-toddobaadkii
Dayot Upamecano | £144,000-toddobaadkii
Ryan Gravenberch | £165,000-toddobaadkii
Lucas Hernandez | £240,000-toddobaadkii
Sadio Mane | £250,000-toddobaadkii
Kingsley Coman | £273,000-toddobaadkii
Leon Goretzka | £273,000-toddobaadkii
Leroy Sane | £273,000-toddobaadkii
Joshua Kimmich | £306,000-toddobaadkii
Thomas Muller | £321,000-toddobaadkii
Manuel Neuer | £321,000-toddobaadkii
Robert Lewandowski | £369,000-toddobaadkii