Caqliga Iyo Heerka Fahanka!

0
426

Wiil yar ayaa soo galay goob timaha lagu jaro iyadoo shaqadii socoto. Tima jaraha ayaa macmiilkiisa ku yidhi “wiilkan yari, waa wiil nacas ah oo maalinta kasta wuxu soo doonto inaan wax siiyo , markaan siinayo waxaan labada gacmood ku qabtaa hal qarshi iyo Rubuc qarshi, mid door markaan ku yidhaa, tan yar ayuu qaata, bal eeg imika ayaan samaynayaa. Markii uu is barbar dhigay wuxu qaatay tii yarayd , waana uu iska tegay.

Markii u ninkii ka baxay Rayiislaha ayuu arkay wiilkii yar oo iibsanaya Ice cream waxaana uu ku yidhi “ adeer maxaad lacagta tan yar u qaadatay  miyaanada kala aqoon? Wiilkuna wuxu ugu jawaabay “ haddii aan ta badan qaato sheekada ayaa dhamaanaysa” . weligaa ha yaraysan qof, waxa laga yaabaa inuu kaa maskax badan yahay oo uu ka horeeyo.

 

Leave a Reply