Dhismaha 33 Thomas Street Ee Yaabka Badan!

0
253

Dhismaha 33 Thomas Street Ee Yaabka Badan!

Waa dhisme uu dheerkiisu gaadhayo 167.5 Mitir oo kor ah iyadoo weliba la aamiinsan yahay inuu jiro joog hoose oo qarsoon waxaana uu ka dhisan yahay dalka Maraykanka magaalada Newyorka sanadkii 1974. Dhismahan ayaa loo yaqaana Long lines Budiling  ( dhismaha laymanka dheer) waxaana loogu bixiyay iyadoo xadhkaha telefoonda ee lagu sheqeeyo ay ku yaallaan waana  xarunta isgaadhsiinta dayax gacmeedka ee dalka Maraykanka.

Xarunta ayaa Maraykanka ku xidha dunida kale  waxa ay ka kooban tahay 29 dabaq , dhismahan waxa ku kaydsan dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin dad gaadhaya 1500 qof  muddo laga wiig ah, kuwaasi oo aan waxba uga baahanayn dhismaha debediisa. Waxaana ka mid ah kaydka shidaalka oo gaadhaya 250,000 Galon oo shidaal ah oo loo isticmaalayo mishiinada dabka dhaliya. Xaruntan ayaa ahayd dhisme loo adeegsaday dagaalkii qabooba meel lagaga hor tago hubka halista ah Nucelerka.

Dhismahani malaha wax daaqado iyo daloolo kale waxaana habeenkii ay u muuqata goob madow. Mudadii uu jiray hal mar keliya ayuu dabku ka bakhtiyay taasi oo keentay in 5 malyuun oo qof  Maraykan ay ka go’day isgaadhsiintu. (Source : ibelieveinsci.com)

Leave a Reply