Xiddiga Oleksandr Zinchenko ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda ku biiro kooxda Arsenal xilli ay Gunners sii wado xoojinta kooxda.
Arsenal ayaa xiddiga Oleksandr Zinchenko ka dhigaysa saxeexeedii 4-aad ee suuqa xagaaga kadib markii ay Man City kala heshiisay saxeexa xiddiga.
Xiddiga 25 jirka ah ayaa ku biiri doona Arsenal isaga oo soo afjaraya 6 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.
Sida laga soo xigtay The Athletic kooxaha Arsenal iyo Man City ayaa ka heshiiyay saxeexa xiddiga reer Ukriane kadib markii ay muddo wadahadalo ku jireen.
Arsenal ayaa xiddiga Oleksandr Zinchenko u aragta xiddig xoojin kara difaaca Bidix iyo waliba khadka dhexe maadama uu laba boos ka ciyaaro.
Xiddiga ayaa la filayaa in uu shalay tijaabada caafimaadka u maro kooxda Arsenal isla markaas noqdo saxeexii 4-aad ee uu Mikel Arteta sameeyay suuqa xagaagan.