Shirkadaha Isugu soo Hadhay Qandaraaska Suuqa Waaheen

0
320

Hargeysa (Dawan)- Guddida Qandaraasyada qaranka Somalialdn ayaa shalay ku dhawaaqay Liiska shirkaddaha ka soo gudbay qiimeynta hordhaca ah (๐ฉ๐ซ๐ž๐ช๐ฎ๐š๐ฅ๐ข๐Ÿ๐ข๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฐ๐จ๐ซ๐ค๐ฌ) ee dhismaha Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdillaahi Guuleed oo ay wehelinayaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Suuqa Waaheen Mudane Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibraahim Salaf ayaa saxaafada la wadaagay liiska shirkadaha iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Qiimeynta waxaa loo maray Xeerka Guddida Qandaraasyada Qaranka ๐‹.๐ซ ๐Ÿ–๐Ÿ/๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ– iyo habraacyada kala saarista iyo qiimeynta hordhaca ah (๐๐ซ๐ž๐ช๐ฎ๐š๐ฅ๐ข๐Ÿ๐ข๐œ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฐ๐จ๐ซ๐ค๐ฌ) ee Guddida Qandaraasyada Qaranka. Shirkadduhu waxa ay u gudbayaan wareega labaad ee tartanka mashruuca. Shirkaddaha hoos ku xusan ee ku soo baxay, waxaa loo diri doonnaa waraaq rasmi ah oo qeexaysa qaadashada buugta iyo shuruudaha tartanka ee kan ku xiga.

  1. Uegen Projeve Endustri Urunleri San Ltd (๐‘ป๐’–๐’“๐’Œ๐’†๐’š)
  2. TNT Construction and Trading(๐‘ฌ๐’•๐’‰๐’Š๐’๐’‘๐’Š๐’‚)
  3. Unimpresa S.P.A. (๐‘ฌ๐’•๐’‰๐’Š๐’๐’‘๐’Š๐’‚/๐‘ฐ๐’•๐’‚๐’๐’š)
  4. Rama Construction Company (๐‘ฌ๐’•๐’‰๐’Š๐’๐’‘๐’Š๐’‚)
  5. Neal and bin Harmal Hydro-Export Company (๐‘บ๐’๐’Ž๐’‚๐’๐’Š๐’๐’‚๐’๐’…/๐‘ผ๐‘จ๐‘ฌ)
  6. Consolidated Engineering Company (๐‘ซ๐’‹๐’Š๐’ƒ๐’๐’–๐’•๐’Š)
  7. Avic International Company (๐‘ช๐’‰๐’Š๐’๐’‚)
  8. Daryeel Construction Company (๐‘บ๐’๐’Ž๐’‚๐’๐’Š๐’๐’‚๐’๐’…)

 

Leave a Reply