Masuuliyiin ka Tirsan Wasaarada Maaliyada oo la Abaalmarisay

0
220

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa shalay si rasmi ah u furay Kulan qiimayn waxqabadka iyo abaal-marinta Waaxyaha dakhliga (C/Berriga & Kastamada) iyo xafiiska xisaabaadka guud ee lix-biloodkii hore ee sanadka 2022-ka ee January-June.

Kulan-hawleedkan oo sanadkiiba laba jeer la qabto ayaa waxa ay maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka dalku ku soo bandhigaan wax qabadka xafiisyadoodu, taas oo looga golleeyahay in lagu kala ogaado xafiiska gaadhay qorshihii ku-talo-galka dakhliga & ka aanay u suurtogalin, asbaabaha keenay hoos u dhaca iyo sidii loo sixi lahaa.

Mas’uuliyiinta sare ee wasaaradda iyo maamulayaasha gobolada iyo degmooyinka ayaa is-dhaafsaday wixii talo iyo tusaalayn ah ee lagu wajahayo lix-biloodka xiga.

Sidoo kale kulankan oo la iskugu yeedhay dhamaan maamulayaasha Waaxaha Dakhliga ee Cashuuraha-berriga iyo Kastamada iyo sidoo kale Xisaabiya-yaasha gobolada dalka, ayaa abaalmarino lagu gudoonsiiyey masuuliyiinta xafiisyada muujiyey dedaalo dheeraad ah, soona saaray dakhli ka badan ku-tallo-galkii lix-biloodka.

Kulanka qiimenta & abaalmarinta ayey goobjoog ahaayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Marwo Rooda Jaamaca Cilmi, Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimayaasha Waaxaha dakhliga, Cashuuraha Barriga, Kastamadda, Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Xisaabiye ku xigeenka guud ee qaranka.

 

 

Leave a Reply