Wasiirka Horumarinta Biyaha JSl oo la Wareegay 4 Ceel Biyood

0
234

Qore Khadar M. Xaashi

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa la wareegay afar4 ceel biyood oo waaweyn, isla markaana lagu xidhiidhiyay biyo gelinta magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Afartan ceel biyood ayaa laga hirgeliyay degaanka Kala’jab oo hoos yimaada degmada, Berbera, ceelashan ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraantii ka jirtay magaalada Berbera.

Geesta kale wasiirku waxa uu intaas ku daray in qodista ceelashani ay iska kaashadeen xukuumadda Somliland iyo dalalka dhinaca horumarka ka kaalmeeya, waxaanu intaas raaciyay in mishiin 150KT ay wasaaraddu ku kabtay mishiinada ceelashani biyaha ka soo qaadaya.

Waxaanu yidhi.“Sharaf weyn ayay ii tahay in aan maanta la wareego afarta ceel ee Kala’jab, ee dhawaan hannaanka biyo gelinta ee magaalada Berbera lagu soo xidhay, oo biyo balaadhinta Berbera qayb ka noqon doona.

Ceelashani waa waxqabadkii xukuumadda waxa ay isla kaashadeen hay’addaha caalamiga ah iyo dawladda Somaliland ka kaalmeeya dhanka horumarka.

Waxaana dhammeystirka ceelashani ku soo beegmeen xilli biyihii magaalada iman jiray yaraadeen, sabbabo la xidhiidha abaaraha daba dheeraaday ee ka jira degaanka.

Waxa kale oo isna weheliya mishiinka weyn ee halkan yaala oo 150KT, oo wasaaradda horumarinta biyuhu ku soo xoojisay,”

Hirgelinta ceelashan ayaa ku soo beegmaya xilli abaar ba’an oo keentay biyo yaraan soo foodsaartay bulshaweynta magaalada Berbera ay ka jirtay.

 

 

Leave a Reply