WEEDHA WARGEYSKA: Somaliland Waxay Qaran ku Tahay Heshiis Bulsho

0
102

Nidaam kasta oo dawladnimada waxa ugu sareeya dastuurka iyo heshiisyada bulsho ee lagu aasaasay, kaasoo hagga dhamaan talaabooyinka geedi-socodka hawlaha horumarineed dal.

Hay’addaha ku askuman nidaamka Dawliga ahi waxa ay socodsiiyaan oo ay fuliyeyaal, ilaaliyeyaal iyo dheeli-tirayaal u yihiin waxyaabaha uu jideeyey heshiiska bulshada ee Dastuurka iyo shuruucda ka farcamay, waxaanay kala leeyihiin awooddo iyo waajibaad shaqo oo ay qeexayaan xeerrar iyo siyaasaddo.

Marka aynu aqoonsanahay in dastuurku yahay hay’adda ugu saraysa ee jiritaan dawladdeed, qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa aasaas iyo saldhig u ah, dastuurka oo ay bud-dhig u tahay shareecada Islaamku, kaasoo ka turjumaya waxa aynu nahay, sida aynu isu maamulayno, laamaheena dawladdeed, goleyaasha ka farcama, shaqo gudashadooda, habka xukunka, muddo-xileedka hay’addaha, doorashooyinka, nabadgelyada iyo guud ahaan qalfoofka dawladnimo ee dalkeena.

Nidaamka Doorashooyinka iyo tartanka asxaabta qaranku waxa jideeyey oo lagu ogolaaday dastuurka oo qeexay tiradooda iyo awooddooda, sida ay ku imanayaan iyo doorashadoodana waxa fasiraya xeerarka asalkoodu dastuurka yahay.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ma aha xeer qof, laba iyo kooxi toona ku heshiisay ee kitaab waxa ku qoran ay ku heshiiyeen boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%) bulshada kamida oo ay si xor iyo xalaal ah ugu codeeyeen, isaga (dastuurka) ayaan jaan-gooyey dhismaha, dhaqanka iyo dheeli-tirnaanta dawladnimadeena, waajibna tahay in la ixtiraamo oo lagu dhaqmo.

Dastuurka aan ka hadlaynaa maaha midka uu xisbiga ama kooxda siyaasaddeed ay u akhriyayaan sida ay doonayaan ama ay shacbiga ugu beyaamiyaan rabitaankooda siyaasaddaysan, balse waa ka aynu ugu dhaqmayno in aan adeecno dhamaantii, dawladduna masuulka ka tahay ilaalintiisa iyo ku shaqayntiisa, goleyaasha Baarlamaanku ansixiyaan xeerarka qeexaya qodobadiisa, isla markaana Maxkamadda Dastuuriga ahi u xilsaarantahay ku garsooridiisa iyo inay tafsiir ka bixiso waxkasta oo layskaga khilaafo.

Sidoo kale, heshiiskeena bulsho ee dastuuriga ah waa midka qeexaya xoriyadda aasaasiga ah, waxyaabaha ka reeban muwaadiniinta iyo ilaalinta amniga,arrimahaasoo dhamaantood taabanaya qof kasta dareenkiisa iyo nololshiisa.

Sidaas awgeed, marka aynu eegno khilaafka beryahanba waddanka ka taagan iyo halka ay iminka inala marayaan, waxa muuqata inay xisbiyadda mucaaridka oo doonis doorasho gubayso, warbaahinta qaarkeed oo ka gudubtay xadka warbaahineed ee ay dastuurka iyo xeerrarku siiyeen iyo goleyaasha xeer-dejinta qaybtood oo sidaasoo kale uga talaabay xayndaabka.

Warbaahinta markaan ka hadlayno, waxaad arkaysaa telefishan ama mareeg warbaahineed oo tebinaysa war dhibaatada uu geysanayaa ka culustahay faa’idada uu u soo gudbinayo bulshada, halis weyna ku ah nabad-gelyada. Sidoo kale waxaan arkaynaa in xildhibaanaddeenii qarka u saaran yihiin inay waddooyinka ula soo baxaan qoryo ama ay shacbiga ku yidhaahdaan hubka soo qaata, iyadoo aynu aragnay oo warbaahinta laga baahiyey hogaamiye Xisbi qaran oo dad shacab ah ku guubaabinaya inay hubkooda la soo baxaan.

Dhacdooyinkan oo arragooda iyo maqalkooduba isa soo tarayey labadii bilood ee u dambeeyey, si cadna u xagal-daacinaya amniga, xasiloonida iyo haykalka qaranimada Dalkeena, sababta madaxda asxaabta mucaaridka gaadhsiisayna ay tahay keliya Doorasho doon iyo damac kursi oo loolla siman yahay tartankiisa iyo talo-galkiisuba, waxaynu ognahay natiijadii laga dhaxlay talaabooyinkii ay qaadeen todobaadkii hore xisbiyadu ee ahaa mudaharaadka. Waxa kale oo aynu odorosi karnaa, haddii ay sii socdaan dhacdooyinkaasi in wax ku sii xumaada mooyaane aan wax ku hagaagayaa jirin, isla markaana ay khatar gelin karaan qaranimada aynu heerkan ku soo gaadhsiinay halganka iyo dhabar-adayga.

Sidaas darteed, shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa la gudboon in aanay noqon jeedal iyo hub lagu burburiyo qarankooda, isla markaana ka hadhaan siyaasiyiintoodu marka ay ka gudbaan khadka cas ee xayndaabka sharciga iyo nabad-gelyada oo ah halka u dambeysa ee lagaga baxayo heshiiska bulsho ee qarankeenu ku dhisan yahay.

Ugu dambeyn shacbiga sharafta badan ee Somaliland waa in aanay u fahmin yooyootanka siyaasaddeed mid loogu hiilinayo qabiil, qolo iyo qayb dulmane ku ah saaxadda siyaasadda,waxa culus ee ay masuuliyaddiisu saarantahay qof walbaana uu yahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland nabadda iyo horumarkiisa. “Somaliland waxay qaran ku tahay heshiis bulsho”

Leave a Reply