Gir-gireyaashii hore 40% ayaynu ku tallo gelaynay inuu beekhaamiyo Dhuxusha imika waxaynu doonaynaa in aynu gaadhno kuwo 70% Dhuxusha madhxiya…”

0
510

Somaliland waxaa sanadihii u danbeeyay si weyn looga dayrinayay xaaluf daran oo ku dhacay dhirtii waaweynayd ee qiimaha iyo waxtarka iyo faa’iidooyinka kaleba u lahayd deegaankeena iyo nolosha bulshadeenaba.

Waxaana loo aanaynayaa waxyaabaha xaalufka daran ku keenay dhirtaasi in ay koow ka tahay jarista dhiirta qoyan ee Dhuxusha laga shito, taasoo loo isticmaallo tamarta wax lagu karsado ee magaalooyinka dalka lagu iibiyo.

Dhuxusha ayaa ah tamarta keliya ee sida joogtadda ah looga isticmaallo magaalooyinka ee cuntadda lagu karsado, iyadoona laga soo shido noocyadda kala duwan ee dhirta waaweyn ee dalkeenu caanka ku ahaan jiray waayadii.

Jarista dhirta waaweyn ee Dhuxusha laga soo shido waxay keentay in ay gebi ahaanba meesha ka baxaan dhirtii qiimaha lahayd ee dalkeenu hodanka ku ahaan jiray, taasoo ay sababtay baahida aadka u weyn ee bulshadda magaalooyinka ku nooli u qabaan helitaanka Dhuxul ku filan oo ay wax ku karsadaan.

Waxaana bar-bar socotay jarista dhirta waaweyn korodhka bulshadeena ee sida xawliga ah ugu soo korodhay degsiimooyinkoodu magaalooyinka waaweyn, degmooyinka iyo tuullooyinka dalkeenna, taasoo waayadan danbe si aad ah u soo badanaysay.

Ka sekow in bulshadda reer Somaliland ay si weyn magaalooyinka ugu soo qul-qulaysay sanadahan danbe, isla markaana dhirtii Dhuxusha loo isticmaalayay si xawli ah loo jarayay, hada na waxaa intaas oo dhan ku sidan oo iyadna socotay saamaynta toga nee uu isbedelka cimiladu ku yeeshay guud ahaanba deegaanka gaar ahaana dhirtii.

Mushkiladahaasi is-biirsaday si wax looga qabto ayaa xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland gaar ahaana wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimiladu waxay qaaday tallaabooyin arrimahaasi dhibaatadda ku ah nolosha bulshadda iyo degaankaba wax lagaga qabanayo.

Tallaabooyinka wax lagaga qabanayo arrintaasi ee ay wasaaradda deegaanka Somaliland qaaday waxaa ka mid ah in la helo qorshe lagu bad-baadinayo degaanka, iyo sidoo kale in la sameeyo wixii lagu bedeli lahaa tamarta Dhuxusha ee ay dadku u baahan yihiin.

Qorsheyaasha la doonayo in isticmaalka Dhuxusha hoos loogu dhigo ee ay wasaaradda Deegaanka Somaliland qaaday waxaa ka mid ah in bulshadda la fahamsiiyo sidii loogu guuri lahaa isticmaalka Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya.

Hdaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa tababar qayb ka ah tababaro, shirar iyo kulamo kala gedisan oo ay wasaaradda Deegaanka Somaliland qabatay oo lagaga arrinsanayo sidii loo heli lahaa wax lagu bedelo baahida loo qabo tamarta Dhuxusha.

Si gaara waxaynu isugu dul taagi doonaa tababar ku saabsan sidii loo samayn lahaa Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya, kaasoo ay shalay wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ay ka furtay magaaladda Hargaysa.

Taasoo looga gal leeyahay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha, isla markaana hoos loogu dhigi lahaa jarista dhirta qiimaha leh ee dhuxusha laga shido oo dhulkeena ku keentay xaaluf darran.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa ka qayb qaadanaya qaar ka mida dadka ka ganacsadda ama iibiya Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.

Sidoo kale waxaa tababarkani ka qayb gelaya qaar ka mid ah dadka iyagu sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya ee magaaladda Hargaysa ku nool, waxaana kulankaasi dadkii ka soo qayb galay ka mid ahaa haweenka suuqyadda Hargaysa ku iibiya Dhuxusha, iyo ragga iyaguna sameeyo Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya.

Iyadoona la doonayo ama qorshuhu yahay sidii dadkaasi ka ganacsadda iyo kuwa sameeyaba loogu taageeri lahaa ama gacan looga siin lahaa hawshaasi samaynta Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.

Waxaana inta tababarkani uu socdo lagu baranayaa sidii loo samayn lahaa Gir-gireyaal casriya oo ah nooca gudaha dalka lagu sameeyo ee Dhuxusha beekhaamiya.

Tababarkani ayaana qayb ka ah tababarro hore oo la xidhiidhay sidii ay xukuumadu u taageri lahayd in bulshadu ay u wareegto ama isticmaasho Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya, iyadoona kulamadii hore lagu gaadhay faa’iido ah in la sameeyo Gir-gireyaal Dhuxusha madhxiya 40%.

Balse kulankan shalay ayaa qorshuhu yahay sidii loo samayn lahaa loona gaadhi lahaa helitaanka Gir-gireyaal Dhuxusha madhxiya 70%, sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarkaasi ee shalay.

Tababarkani waxaa wasaaradda deegaanka Somaliland ka taageertay am aka gacan siisay qabsoomidiisa iyo maalgelinta samaynta Gir-gireyaashaasi haayadda caalamiga ah ee UNDP oo ka mida haayadaha wadanka ka hawl gala ee wasaaradda deegaanka wadda shaqaynta leeyihiin.

Wasiir Shukri Baanadare, oo tababarkaasi ay furtay hadal ka jeedisay ayaa ka warbixisay u jeedadda tababarkaasi iyo muhiimadda uu leeyahay ee la doonayo in lagu gaadho qorshaha lagu xakamaynayo bad-baadinta dhirta.

Waxaanay tidhi, “Halkan maanta (shalay) waxaynu isugu nimid sidii aynu geedi socodkaa aynu wadno ee aynu doonayno in aynu ku yarayno Dhuxusha, maadaama aad idinku tihiin Dumarkii Gir-gireyaasha iibinayay, ee dadka iyo guryaha toos ula xidhiidhayay, iyo Raggii iyaguna Gir-gireyaasha gacanta ka samaynayay.

Markaa waxaynu maanta halkan isugu nimid in aynu mar kale dib u cusboonaysiino, oo halkaa sidii aynu uga sii dhaqaaqayno aynu helno. Gir-gireyaasha markii hore lagu bilaabay waxay ahaayeen Gir-gireyaal haddii uu ugu yaraan laba ama saddex sanadood ku hayo…. Waxay ahaayeen Gir-gireyaal ilaa 40% aynu ku tallo gelaynay inuu beekhaamiyo Dhuxusha”.

“Imika waxaynu doonaynaa in aynu ku tallo galno ama gaadhno mid ilaa 70% Dhuxusha beekhaamiya. Sababtu waxa weeye, waad arkaysaan oo xaaluf ayaynu ku jirnaa. Wadan ahaan ma joogno wadamadda aadka u qoyan, ee roobku ka da’o, ee dhirta badan leh. Waxaynu inagu (Somaliland) ku naalaa meel la moodo ama u dhaw Saxare. Savanna ayaa lagu yidhaahdaa afka qalaad. Laakiin, waa dhul isku jira oo xooluhu na ku dhaqmi karaan, beero na laga samayn karro, balse roobku wakhtigan imika aan joogno wuu ku yar yahay, oo hoos u dhac weyn ayaa ku yimid roobkeennii, iyo wakhtiyadii aynu filaynay ba ay isbedeleen” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Geesta kale wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland waxay ka hadashay waxyaabaha sababay in xaaluf uu ku dhaco dhirtii waawaynayd iyo xukuumad ahaan sidii loo heli lahaa qorshe dhibaatooyinkaasi wax lagaga qabanayo.

Waxaanay tidhi, “Berigii hore dad qorshe leh, baynu ahayn, balse imika mushkiladda ina haysataa waxa weeye, dadkii way fara bateen, magaalooyinkii ayaa la soo galay Dhuxul baa loo baahday, oo saddex wakhti ayaa cunto la karsanayaa. Berigii hore mar ama laba jeer ayaa laga yaabaa in cunto la karsan jiray, oo dadkii hore ay Xaabo wax ku karsan jireen, imika saddexdii wakhtiba waxaa la doonayaa in Dhuxul wax lagu karsado,

Dhirtiina isa soo tari mayso, cimiladii na way isbedeshay, oo si aad ah ayay isku bedeshay. Mar haddii ay cimiladii isbedeshay, oo roobkii yaraaday, oo dhirtii sidii hore aanay inoogu inoogu soo baxayn, oo inaguna aynu si xawli ah dhirtii u goynayno. Waayo? Dadkii ayaa u baahan in ay wax ku karsadaan. Side baynu isugu keenaynaa bay noqotay su’aashu?

Markaa sida aynu isugu keenaynaa waxay noqotay, in aynu inagu na la jaan-qaadno waxaa maanta jira, iyo aafooyinkaa dhacaya, iyo abaarrahaa dhacaya ee aad aragtaan, side ayaynu inaguna ula jaan-qaadaynaa? Oo aynu u noqonaynaa dad beekhaamiya Dhuxushoodii, dhirtooda na kaysada. Sidee baynu labadii isugu keenaynaa? Waxay noqonaysaa markaa in aynu halkii hore ka tagno, oo maanta Gir-gireyaal Dhuxusha ilaa 70% beekhaaminaya in aynu inaguna soo saarno”.

 

Leave a Reply