𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐅𝐚𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐫𝐮𝐦𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

0
3651

Hargeysa (Dawan) – 𝐀𝐚𝐛𝐨 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐰𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐐𝐚𝐰𝐝𝐡𝐚𝐧 waa muwaadin 𝟏𝟐𝟎 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐣𝐢𝐫𝐚, waana haldoor bulsho inta badana ku hawlan hagaajinta iyo dayactirka jidadka caasimada Hargeysa.

𝟐 𝐃𝐞𝐜𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫, 𝟐𝟎𝟐𝟏-𝐤𝐢𝐢 Duqa caasimada Hargeysa mudane 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐫𝐢𝐢𝐦 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐨𝐠𝐞, ayaa madal ilyartu isqabatay oo lagu abaalmarinayay kartida iyo awooda waxqabad ee Aabahan 120 jirka ah kaga dhawaaqay, in uu siin doono mushahar ku filan nolosha isla markaana u dhisi doono guri hantiya.

Booqasho gaaban oo aan xaafada 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 ku tagey waxaan si kedis ah ula kulmay 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐐𝐚𝐰𝐝𝐡𝐚𝐧 oo hortagaan guri dhismihiisu dhammaad ku dhaw yahay.

Baskii aan la socday ayaan si hal haleel ah uga degay, waan salaamay muwaadin 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐗𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐐𝐚𝐰𝐝𝐡𝐚𝐧, bariido kadibna waxaan ka wareystay adeer gurigan dhismihiisu dhammaadka yahay ma kii maayirka caasimada Hargeysa ku balanqaadayba, waxaanu igu jawaabay “𝐇𝐚𝐚 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐫 𝐰𝐚𝐚 𝐠𝐮𝐫𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐄𝐘 𝐤𝐡𝐚𝐲𝐫 𝐡𝐚𝐬𝐢𝐢𝐲𝐞 𝐮𝐮 𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐮𝐪𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐨𝐥𝐢𝐡𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐮, 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐠𝐚𝐛𝐨 𝐠𝐚𝐛𝐨 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚, 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐧 𝐉𝐢𝐢𝐧𝐠𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐨 𝐮𝐮𝐧𝐛𝐚 𝐮 𝐡𝐚𝐝𝐡𝐚𝐲, 𝐰𝐚𝐚𝐧𝐚𝐧 𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐢𝐧 𝐈𝐟 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐚𝐤𝐡𝐢𝐫𝐨 𝐰𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐪𝐚𝐥𝐛𝐢𝐠𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠 𝐚𝐡 𝐈𝐋𝐋𝐀𝐀𝐇𝐄𝐘 𝐬𝐢𝐢𝐲𝐨, 𝐦𝐮𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐨𝐨𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐥𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧𝐚 𝐮𝐮 𝐦𝐢𝐝𝐢𝐠𝐭𝐚 𝐤𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐨”.

Intaas waxa uu ku daray “Maayir Mooge 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐡𝐞 𝐰𝐚𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞, maalintii uu ii balanqaaday mushaharka in uu i siinayo ayuu ii bilaabay, ilaa haddana wuu ii socda, ana shaqadii wali waan wada.”

𝐐𝐨𝐫𝐞 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐞 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢

Leave a Reply