Bulsho-weynta xaafada Daami oo soo Dhaweeyay Jid casri ah oo loo Dhisay

0
263

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):-Qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool xaafada Daami ee magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweeyay waddo casriya oo dawladda hoose ee degmada Hargeysa ka hirgalisay xaafaddaasi.

Suldaan Abu Sufiyaan Maxamed Nuur, oo ka mid ah madax dhaqameedka ayaa golaha deganaanka ee caasimada Hargeysa uga mahadceliyay hirgelinta jidka xaafadaasi, isaga oo sheegay in aan wali hore looga hirgelin waddo sidan oo kale ah xaafada, waxaanu intaas raaciyay iyada oo jidad badan oo caasimada gudaheeda ahi ay burbursan yihiin haddana in ay mudnaanta siyeen hirgelinta waddada xaafada Daami.

Guddoomiyaha degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa Cabdirisaaq Yuusuf Ismaaciil, ayaa bulshaweynta ku nool xaafada Daami ku boggaadiyay sida ay ugu heellan yihiin inay la shaqeeyaan maamulka iyo masuuliyiinta degmada Gacan Libaax.

Sidoo kale waxa uu bulshada xaafadaasi ku adkeeyay in ay jidkaasi hadda la dhammeystiray ka ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara in uu si dhib yar u burburo, isaga oo intaa ku daray in uu wax weyn ka tari doono isu socodka gaadiidka iyo dadka.

 

Leave a Reply