Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud oo soo Kormeeray Dhismaha cusub ee Dekeda Maydh

0
323

Khadar.M.Dhako.

Hargeysa (Dawan):-Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Maxamuud  Warsame Jaamac ayaa soo kormeeray dhismaha cusub ee Dekeda Maydh oo gabogabo ku dhaw.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guriyaynta Maxamuud  Warsame Jaamac ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay u leedahay hir gelinta  Dekeda Maydh Xukuumadda  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Waxaanu yidhi”U jeedada socdaal kayaga waxa ay ahayd in aan soo kormeerno  Mashaariico hurumarineed oo Xukuumadda Somaliland ka fulinayso Gobolka Sanaag,waxaanan kormeernay mashaaricaha socda.waxaana gabogabo ku dhaw dhismaha Dekeda Maydh,waxaanay ka mid ahayd barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye in la dhiso Dekeda Maydh.muhiimad gaara ayay Dekedani u leedahay Xukuumadda   Madaxweynaha uu  ka yahay Muuse Biixi Cabdi.waxaana Dekedani wax ka bedeli doontaa dhaqaalaha Somaliland waxaana ka go,an Xukuumadda in Mashaariicaha horumarineed in Miisaaniyadda qaranka laga maalgaliyo,”.

Sidoo kale Maayarka Magaalada Maydh Xuseen Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Siciid ayaa waxa uu sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay dhismaha Dekeda Maydh.Waxaanu yidhi”Dekeda Maydh waxa ay soo martay marxalado kala duwan,waxaana ka kooban tahay Dekeda 165 Mitir,waxaana ka faa,iidaysan doona saddex kun oo Kalluumaysata.waanay dhamaystiran tahay waxa kaliya oo hadhay dhismayaashii ay ku shaqayn lahaayeen Shaqaalaha ka hawl gali doona Dekeda,”.

Leave a Reply