Wasiirka Waxbarashada oo Daahfuray kulanka Weel-xogeedyada wasaaradda

0
238

Qore Khadar M. Xaashi

Burco (Dawan);-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka furay kulanka Weel-xogeedyada wasaaraddaasi.

Furitaanka kulankaas waxa ka soo qaybgalay guddoomiyaha gobolka Togdheer, masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada ee heer gobol, kuwaas oo xusay in kulankaasi yahay mid loo baahnaa.

Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa sheegay in ay muhiim tahay inay shacabku ka warhayaan xogta waxbarashada, waxaanu inta ku daray in wasaaraddu go’aansatay in bulshada loo baahiyo xogaha la xidhiidha arrimaha waxbarashada.

Axmed Toorno wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland wuxuu guud ahaan shacabka Somaliland  u soo jeediyay in  is-garab taagaan dedaalada ay wadaan bahda waxbarashada Somaliland, taas oo u jeedadeedu tahay in kor loo qaado, lana tayeeyo adeegyada waxbarasho, taas oo ah shaqada ugu muhiimsan ee wasaaradda waxbarashadu u xil saaran tahay.

Leave a Reply