Guddoomiyaha Togdheer oo soo kormeeray goobaha Diwaangalinta Codbixiyayaasha Degaanka Beer

0
146

Beer (Dawan)- Guddoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim (Nafaqo) ayaa soo kormeeray goobaha Diwaangalinta Codbixiyayaasha ka socoto ee Deegaanka Beer ee ka tirsan Gobalkaas.

Guddoomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Nafaqo ayaa waxa uu sheegay in kormeerkoodu la xidhiidhay qaadashada Kaadhka Codbixiyayaasha,waxana uu ku booriyay dadka ku dhaqan Deegaanka in ay qaataan kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha,

“Socdaalkayagu waxa uu daaranaa in dadku qaataan Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha,waxaana laga sinaa haday tahay Xukuumad iyo haday tahay Axsaab in la qaato Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha.waayo kaadhka qaadashadiisu waxa ay dan u tahay qaranka oo in aynu Ictiraaf helno, waxa lagu qiimaynayaa tiradeena wax qabadka horumarka haday tahay Wadooyin Caafimaad iyo haday tahay Caafimaad.markaa qaadashada Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha dan ayuu inoo yahay,”.ayuu yidhi Maxamed Nafaqo.

Sidoo kale Waxgaradka iyo waayeelka Deegaanka Beer ayaa waxa sheegeen in ay qaadan doonaan Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha,waxaana ay uga mahadceliyeen kormeerka Guddoomiyaha Gobalka Togdheer uu ugu yimid.

 

Leave a Reply