Denbiyada Iyo Xukunada Cajiibka Ahayd!

0
273

Xaakimka Maxkamadda  gobolka Ohai Xaakim Michel Scontine ayaa noqday  mid ku riday xukumo aan hore loo arag oo lala yaabay dadkii lagu soo oogay denbiyo ay galeen. Qaadigan ayaa caan ku ahaa inuu Qofka kasta ku xukumo ciqaab la nooca ah denbigiisa.

Wuxuu ku xukumay 7 dhalinyaro ah inay beeraan 70 geed ka dib markii ay gooyeen dhir ku taallay goobaha caamka ee bulshadu wadaagto. Nin dhalinyaro ah oo garaacay Oday da’, ayuu isgana ku xukumay inuu laba bilood  ka sheqeeyo xarunta lagu xanaaneeyo dadka waaweyn.  Nin sikhaaramay oo bisadiisii ku tuuray moofo uu lahaa ayuu isagana ku xukumay inuu ku quudiyo muddo laba bilood ah, bisadaha beer ku taalla pesnelfeniya.

Nin ka xaday cajalad Vedio ah xarun Vedio ayuu isagana ku xukumay inuu muddo laba toddobaad ah hortaagnaado xarunta horteeda isagoo haysta boodh ay ku qoran tahay “ Tuugadu waa shaqo Dulli ah”.

Booliiska ayaa soo qabtay nin dhakhtar caan oo markii uu gaadhiga watay sikhraan ahaa, waxaana markii loo keenay uu kala dooransiiyay  in la xidho muddo 6 bilood ah iyo inuu muxaadaro ka hadlaysa xumaanta  mukhaadaraadka uu  u galo ardayda dugsiyada. Xukunadaasi ayaa noqday qaar aad u yaab geliyay bulshada,  laakiin haddana dhinac kale ay aad raali uga noqdeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply