Mucjisada Abuurka Jidhka Aadamiga!

0
224

Sida lagu soo bandhigay bogga NBC NEWS, Aqoonyahano cilmiga noolaha takhasus u leh (Biology)  ayaa cadeeyay in qofka aadamiga ahi marka ay ugu sarayso awoodiisa, iyo kartidiisa maskaxeed, ay tahay marka uu gaadho da’da 40 sano.

Warbxintan cilmiga ah aya muujisay in marka uu qofku dhaafo da’adaasi uu jidhkiisu hoos u dhac bilaabo. Warbixinta aya intaasi ku dartay in arinkani ay sabab u tahay dheecaanada Myelin oo bilaabaya inay  yaraadaan kuwaasi oo ka qayb qaata hawlaha lafdhabarta iyo maskaxda. Si kasta oo uu qofku isugu dayo inuu joojiyana aanay suurtagal ahayn xataa haddii uu ciyaaro jimcsiyada kala duwan ama isticmaalo cuntooyin nafaqo leh oo kala duwan.

Dr.George Bartzokis oo ka tirsan Jaamacadda California ayaa isna cadeeyay in ciyaartowga caalamiga ah ay ku adag tahay inuu sii wado ciyaarta ka dib marka u dhaafo 40 sano iyadoo ay taasi sabab u tahay hoos u dhaca ku yimi jidhkiisa iyo maskaxdiisaba.

 

Leave a Reply