Taliye Nuux oo Farriin u Diray Ciidanka Qaranka iyo Xaasaskooda

0
195

Hargeysa- Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda iyo waliba qoysaskooda xuska 29aad ee ka soo wareegtay maalintii la aasaasay ciidanka qaranka oo ku beegan maanta 2 February 2023.

Qoraal hambalyo uu ku saxeexnaa Taliyaha Ciidanka Qaranka S/Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo shalay soo gaadhay Wakaaladda Wararka JSL ee SOLNA, ayaa u dhignayd sidan.

“Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo Alifleyda iyo dableyda ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxu hambalyo iyo boggaadin u diraya dhammaan ciidanka Qaranka iyo xaasaskoodu meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka, ku saabsan xuska sannadguuradii 29-aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ku began manta Khamiis ah 2/2/2023.”

Qoraalka Taliye Nuux ayaa la raaciyey “Waxa aan ALLE uga baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo cimri dheer.”

 

Leave a Reply