Somaliland oo Taiwan kala Wareegtay Agabka Xogta Bukaanka

0
194

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kala wareegtay Safaaradda Taiwan ee Somaliland agabka Kaydinta Xogta Bukaanka.

Munaasibad shalay lagu qabtay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo Wasaaradda Caafimaadka kula wareegaysay agabka Kaydinta Xogta Bukaanka oo ay ugu deeqday

Safaaradda Taiwan ee Somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali gaafaadhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Safiirka Dalka Taiwan u fadhiyay Somaliland Allen C. Lou o iyo Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali gaafaadhi oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa sheegay in ay tahay laga faa,iidaysto Mashruuca kaydinta xogta Caafimaadka.Waxaana uu yidhi”Mashruucani waxa uu inaga caawin doonaa dadka bukaanka ee soo gala Cisbitaalada in la kaydiyo xogtooda,waxaana lagu tijaabinayaa Cisbitaalka Hargeysa Cisbitaalada Gobalada waa lagu fidin doonaa waxa weeye in sida ugu qiimaha badan uga faa,iidaysano.waxa aynu ognahay in xog ala aan aan xog la helin,xogta oo la kaydiyaa in ay qayb ka tahay in dadku yeeshaan tixraac,”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in Mashruucani yahay in la ogaado xogta bukaanka Cisbitaalada dalka.Waxaana uu yidhi”Waxa soo biiray sidii loo maarayn lahaa xogtii Caafimaadka ee Cisbitaalada.waxaana hawshaa wax inagala qabtay Dawlada Taiwan oo aanu kala shaqayno saddex mashruuc oo waaweyn.qorshuhuna waxa weeye in Cisbitaalka Hargeysa iyo Cisbitaalada Gobalada la gaadhsiiyo sistam lagu ogaanayo xogta Caafimaadka dadka Cisbitaalada la keenayo,”.

Sidoo kale Safiirka Dawlada Taiwan u fadhiya Somaliland Allen C. Lou oo isaguna hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaarada Caafimaadka ee horumarinta adeegyada Caafimaadka.

Leave a Reply