Aqoonta uu Qofku u leeyahay Shuruucda iyo Dastuurku waa dhaqan-gelinta Sharciga” Wasiir Maxamed Xaaji Aaadan

0
184

Hargeysa (Dawan): Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi  ayaa shaacisay in muddo gaaban la fasaxay shaqaalaha dawladda ee la barayay barashadda Dastuurka, iyo Waddaniyadda.

Sababta keentay fasaxaasi gaaban ayay masuuliyiinta wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurku ku sheegeen in maadaama oo la galay tobankii maalmood ee u danbeeyay bishan Ramadaan awgeed.

Shaacinta fasaxa la siiyay shaqaalaha wasaarradah, iyo haayadaha dawladda ee lagu tababarayay xarumaha ay maamusho wasaaradda Dastuurku, waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, iyo sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradaasi Deeqa Cabdi Yuusuf.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in sababta ay fasaxaasi gaaban u sameeyeen ay tahay in ay shaqaalahan la tababarayay fursad ama wakhti u helaan cibaadda bisha Ramadaan.

“Inagoo ku jirna bishii Ramadaan, anagoo sidaa darteed idinku aad tihiin dufcadii ugu danbaysay ee tobanka danbe ee bishan Ramadaan, oo aad noqon doontaan fasax. Dufcadaha danbe, iyo shaqaalaha wasaarradaha na aanu dhamaantood ku wargelinayno, in shaqaale weynuhu ay mar labaad dib u bilaabi doonaan casharadoodii, 26-ka bishan April, haddii ALLE SWT idmo. Wakhtigii koobnaa ee aad halkan casharrada ku qaadanayseen, oo laba bilood iyo badh ahaa, in ay inoo suurto gashay, tiro gaadhaysa 2000, oo shaqaalaha dawladda ah in ay tababarkii inoo qaateen. Ilaa bisha lixaad na aan rejaynayno sida taargetku yahay, in aynu ilaa 5000, oo shaqaale ah gaadhi doono” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan.

Geesta kale wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha ayaa sharaxay u jeedadda ay ka leeyihiin tababarkan ku saabsan barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda ee  la siinayo shaqaalaha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda.

Waxaanu yidhi, “U jeedadda aanu ka leenahay fasaxani, waxay tahay in shaqaale weynaheena, iyo aqoon yahankeenna, oo inta ugu badan hawsha qaranka haysa, ay kaabid ugu noqoto barashadda Dastuurka, iyo shuruucda, si ay ugu fuliyaan hawsha ay qaranka qaybta ugu weyn gacanta ugu hayaan.

Heerka aqoonta shuruucda, iyo dastuurka uu qofku u leeyahay, waa heerka ku dhaqanka, iyo dhaqan-gelinta sharciga iyo dastuurka dalka. Waxaan rejaynayaa in midho-dhalka casharrada aad qaadateen uu mujtamaceena, iyo dadka aad maamulaysaan ay ka muuqdaan”.

 

 

 

 

Leave a Reply