WEEDHA WARGEYSKA Beesha Caalamka Fursadi Ugama Bannaana Go’aaminta Arrimaha Gudaha Somaliland

0
218

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal leh madaxbanaani Dhulleed, siyaasaddeed iyo xudduudeed ku cayiman Dastuurka Waddanka oo ay go’miyeen shacbigu illaalintiisa iyo ku dhaqankiisa.

Nooc kasta oo faro-gelin dibaddeed ah oo lagu sameeyo Qarannimada Dalka waxa ay bulshada Somaliland u aragtaa tallaabo lagu wiiqayo meeqaamka iyo mustawaha Waddankooda, raallina kama noqon karaan, horena ugama noqon.

 

Sababtoo ah, Qabka iyo qiyamka Mujtamaca Somaliland waa mid aad u sarreeya oo aan lahayn min-qiyaas meel hoose laga eego, taasoo ah waddaniyad heerka u sarreeya oo ka turjumaysa lahaanshiyaha xuquuq lama taabtaan ah.

 

Sidaas awgeed, waxa shacabka si weyn u taabtay  dhambaallo u muuqda jees jees iyo xad-gudubyo ka dhan ah Qarannimada oo ka soo yeedhayey Qolyaha isku-sheega Beesha Caalamka todobaadyadii u dambeeyey, kuwaasoo si diblamaasiyadda ka baxsan uga hadlay arrimaha siyaasiga ah iyo kuwa amniga quseeya ee gudaha Somaliland, uguna dambeeyey bayaankii ay sida wada-jirka ah u soo saareen Isniintii todobaadkan 15 Dal ee isugu jira Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Arrimaha ugu waaweyn ee ay ka hadlayeen waxay kala yihiin Doorashooyinka ku soo fool leh  iyo xiisada ka taagan magaalada Laascaanood oo ay sabab aan qeexnayn isugu xidhayaan.

Qabsoomida Doorashooyinka soo socda waa mashruuc dastuuri ah oo aan ku jirin gorgortan, isla markaana leh wakhti iyo asbaab muddaysan, sidoo kalena dagaalka ka dhacay Magaalada Laascaanood waa dhibaato ku timi kedis oo ay maareyntiisa iyo mowqifka Dawladdu ka qaadatayba ah arrin u taalla Qaranka Somaliland, Xukuumaddiisa iyo goleyaasha kale ee awoodda u leh.

 

Beesha caalamka iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh saaxiibtinimo iyo wada-shaqayn ku xaddidan heer diblomaasiyaddeed oo leh xuduud iyo soohdimo lagama gudbaan ah oo ay khalad tahay in dhinacna uu ku xad-gudbo, iyadoo sababta isku-xidhay ay tahay dano wadarreed iyo mabaadi’ ku dhisan masaaliix Caalami ah, hase yeeshee waxa muuqata inay beryahan dambe u dhuranayaan inay ula dhaqmaan Qaranka sidii ay door maamul iyo siyaasaddeed ku leeyihiin talada gudaha Dalka, taasoo ah qorshe ay kula macaamillaan qaar kamida Dawladdaha adduunka ee aan ismaamuli karin ama u nugul duruufaha gudahooda.

Balse waxa ay iska-indho tirayaan ama ay hilmaamsan yihiin inay Jamhuuriyadda Somaliland ku dhalatay isku-tashi Umaddeed, kuna dhisan tahay go’aan dadweyne oo aan doonis dibaddeed fursadi uga banaanayn, suurto-galna aanay ahayn in cid kale tallo ku yeellato, taasi ay qayb ka tahay hannaanka dimuquraadiyaddeed dalkani ku nabad iyo caanno maalay.

Waxaana bogaadin iyo dhiirigelin mudan Madaxweynaha Qaranka oo muddadii uu talada hayey meel cad iska taagay faro-gelintooda iyo inay food-saaro uga hellaan ajandeyaasha ay wataan.

Haddaba, saaxiibada Beesha caalamka waxa la gudboon in aanay Dhaqaalah yar ee ay ku taageeraan hannaanka Dawladdeed, amniga iyo dimuquraadiyada koraysa ee Somaliland uga faa’idaysan inay ku curyaamiyaan madaxbanaanida Qaranimo iyo dalleed ee Waddanka, taasoo haddii ay si kasta isugu dayaan aanay lib ka gaadhi karin, laakiinse ceeb iyo faddeexad ku noqon doonta iyaga, isla markaana keeni doonta in aan ka maarrano taageerradooda oo Dalkani haddii uu waayo waxba u noqonayn, maadaama uu ka soo dabaashay wakhti adag isaga oo aan ku tiirsanayn Yurub iyo Maraykan toona

 

 

 

 

Leave a Reply