Wasiirka Deegaanka JSL Oo Kulan La Yeeshay Wefti Ka Socday Haayadda Action Aid

0
106

Hargeisa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa qaabishay wefti ka socday haayadda Action Aid.

Wasiirka Deegaanka Somaliland iyo weftiga ka socday Action Aid, ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

Waxaana si gaara diirrada loogu saaray kulankani sidii la iskaga kaashan lahaa wax ka qabashadda dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda ee Somaliland.

Shukri Xaaji Ismacil Baandare, wasiirka Deegaanka JSL ayaa u mahad celisay masuuliyiintan ka socday haayadda Action Aid, kulankan ay la yeesheen.

Waxaanay sheegtay wasiirku in ay ku bogaadinayaan Action Aid, sida ay u danaynayaan in ay Somaliland ka gacan siiyaan sidii wax looga qaban lahaa saamaynta xun ee sababtay isbeselja cimiladu.

Geesta kale saraakiisha ka socday haayadda Action Aid, ayaa iyag na dhinacoodda wasiirka deegaanka Somaliland uga mahad celiyay sida heerka sare ah ee ay u qaabishay.

Shirkaasi dhexmaray wasiirka Deegaanka JSL, iyo weftiga ka socday Action Aid, ayaa ku soo dhamaday jawi wanaagsan, iyo is-af-garad ah in ay si buuxda u wada shaqeeyaan.

Dhinaca kale kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay xubno ka mid ahaa agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

 

Leave a Reply