Halista Ka Dhalan Karta Kala-Qaybsanaanta Bulshada Iyo Ku Dhaqanka Qabyaaladda

0
123

Kala-qaybsanaanta bulshada iyo ku dhaqanka Qabyaaladdu waa AAFO QARAN waxayna ummadda u horseedi karaan XAALADO KHATAR KU AH JIRITAANKOODA.

Marka ay bulshadu kala saari waayaan ku dhaadashada Qabiilka iyo mudnaanta uu Qaranku u leeyahay qof kasta oo muwaadin ah; waxa hubaal ah in ay ummadaasi la kulmi doonaan arrimo halis ku ah wadajirkooda ummadnimo.

Ku dhaqanka Qabyaaladda iyo kala-qaybsanaanta bulshada arrimaha ay dhalin karaan waxaan ka xusi karaa UGU YARAAN, 10-ka arrimood ee soo socda:

1) Waxa hoos u dhaca asaaska iyo jiritaanka ummadnimo iyo Dareen-Wadareedkii midayn lahaa ummad wadaagta dal, diin, dhaqan, af, dhiig, dhalasho iyo taariikhba.

2) Waxa yimaada niyad-jab bulsho, waxana hoos u dhaca Rajada iyo Filashada Ummadda ee la xidhiidha hiigsiga mustaqbal wacan iyo horumar ay bulshadu ku hirato;

3) Waxa hoos u dhaca difaaca iyo ku adkaanshaha Qarannimada, waxana timaada xaalad ay bulshadu si midaysan uga dhiidhiyi waayaan wixii nusqaan ku ah magaca iyo sharafta dalkooda;

4) Waxa abuurma jawi ay bulshadu isu sama-fali waydo iyo arxan la’aan baahsan oo ay cid walba ka fikirto danteeda shaqsiga ah;

5) Waxa luma ixtiraamka, karaamada, is-qadarinta iyo kala-dambaynta bulshada dhexdeeda (Xag Dhaqan, Xag Dadnimo iyo xag Diineedba);

6) Waxa timaadda xaalad ay bulshadu isku guubaabin waayaan wanaagga, horumarka iyo arrimaha u adeegaya danta guud ee ay ummaddu wada leeyihiin;

7) Waxa timaadda xaalad ay gacanta sare yeeshaan ama wax laga dhageysto kuwa bulshada dhexdeeda ka wada xumaanta iyo sharka;

8) Waxa hoos u dhaca is-aaminka, is-dhexgalka iyo is-kaashiga bulshada dhexdeeda ee xag dhaqan, xag dhaqaale iyo xag horumarba;

9) Kala qaybsanaanta bulshadu waxay keentaa kalsooni darro bulsho, taasoo saamayn weyn ku yeelata guud ahaannba habsami-u-socodka Ganacsiga, Maalgashiga, Suuqa iibka Dhulka, Guryaha iyo Dhismaha;

10) Waxa timaada xaalad uu cadowgu qaybo ka mid ah bulshada u adeegsan karo hagar-daamada iyo burburinta dalkooda, iyagoo dhuuni ama dhadhamo dhaafsanaya Qarankooda.

 

 

Leave a Reply