Komiishanka Doorashooyinka oo Tabar u Furay Hawlwadeeno Cusub

0
72

Hargeysa (Dawan)- Komiishanka Doorashooyinka JSL ayaa shalay magaalada Hargeysa tababar ugu furay isla markaana dhaariyey tababarayaashii tababarayey shaqaalaha ka shaqaynaya goobaha Kaadh-qaybinta Codbixiyeyaasha JSL.

Hawlwadeenadan Komiishanka ayaa ka shaqayndoona wejiga koowaad ee kaadh-bixinta codbixiyeyaashii la diiwaangeliyey ee gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka C/casiis Xirsi Warsame iyo Komishineer Xuseen Cabdi Cali (Badhaani) oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay tababarayaasha kulanka loo qabtay inay xilkooda u gutaan sida ugu daacadsan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply