Waxaan u Mahad Celinayaa Wasiirka Dalxiiska Dalka Canada Naga la Qayb Galay Xuska 18 May”

0
59

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha  Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland

Alberta (Dawan): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu maamuusay xuska sanad-guurada 32-aad ee ka soo wareegtey maalintii lagu dhawaaqay madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-kii bishii May ee sanadkii 1991-kii, ayaa lagu qabtay magaaladda Edmonton ee gobolka Albert, ee waddanka Canada.

Xafladaas oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddanka Canada, waxaa khudbado taariikhi ah ka jeediyey wasiirka Dalxiiska iyo Arrimaha dhaqaalaha dalka Canada Randy Boissonnault, guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Xaamud jibriil.

Suldaan Maxamed Suldaan Bare, oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, Guddoomiyaha kulan Somaliland Albert Mr. Khadar Jaamac, iyo gudoomiyaha qurbo-joogta Somaliland ee dalka Canada, Cabdiqani Axmed Askar.

Gudfoomiyaha garabka haweenka qurbe joogta reer Somaliland ee magaaladda Edmonton Raaqiya Cali Qaafil, iyo xubno kale.

Waxaanay dhammaantood ka xog warameen qiimaha 18-ka May ugu fadhido bulshada Somaliland oo iyagu xaqiijiyey iney noqdaan dal ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, oo kala qayb galey xafladda xuska 18-ka May jaaliyada Somaliland ee magaalada Albert ee dalka Canada, ayaa ka hadlay qiimaha ay ugu fadhido xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad-celinayaa wasiirka Dalxiiska, iyo Arrimaha Dhaqaalaha ee dalkan Canada, Mr. Randy Boissonnault, oo halkan u yimid inuu naga la qayb galo dabaal-dega mumaasibada xuska 18 May”.

Guddoomiyaha garabka haweenka ee Edmonton, Raaqiya Cali Qaafil, oo munaasibadaa ka hadashay ayaa xustay in haweenka qurbo-joogta ay laga ma maar-maan tahay inay doorkooda ka qaataan dedaalka shacbiga iyo xukuumadda Somaliland ay ugu jiraan dhismaha iyo taabo-gelnta qarankooda.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan Barre Warsame Shirre, oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay in qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan Canada, ay yihiin dad isku duuban oo jecel qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland.

“Haddii aynaan ku faro adaygin Somaliland oo aynu soo dhisaynay 32-sannadood oo aynu dumino maanta ogaada in aynu mar kale dib-u-dhisi doona 32 Sanadood” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Bare.

Guddoomiyaha KULAN oo ah urur ay ku midoobeen qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan magaalada Edmonton, gobolka Alberta Khadar Jaamac, ayaa isna sheegay in ilaa 13-kii May ilaa laga soo gaadhayay 18-kii May, ay ku jireen munaasibado kala duwan oo lagu weynaynayo gooni-isu-taaga iyo Qaranimada Somaliland.

Waxaanu intaasi ku daray inay qurbo-joogta reer Edmonton, ay dedaalkoodu halkaa ka sii laban-laabaan.

Geesta kale guddoomiyaha qurbo-joogta Somaliland ee waqooyiga America Cabdiqani Axmed Askar, oo madashaasi ka hadlay ayaa ku booriyay qurbo-joogta Somaliland ee ku dhaqan waddanka Canada inay meel qudha uga soo wada jeestaan dhismaha iyo horumarka qaranka gaar ahaana addeegyada bulshada.

Sida waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka beeraha iyo sidii loo samayn lahaa mashruucyo wax ku ool ah oo ay umadda Somaliland shaqo abuur u noqon kara

Xafladan ayaa qayb ka ahayd dabaal-degyo dhowr ah oo ka dhacay Waqooyiga America iyo Mareykanka, kuwaas oo dhammaantood lagu weynaynayey xuska maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May.

 

Leave a Reply