Ciidanka Asluubta oo loogu Deeqay Gaadhi u Adeegi doona Maxaabiista

0
113

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta caddaaladda Somaliland    Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa shalay gaadhi kuwa gurmadka deg dega ah ku wareejiyay taliyaha guud ee ciidamka Asluubta Somaliland sarreeya guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), kaas oo ay ku baxday lacag dhan 60-kun oo dollar.

Taliye Libaax ayaa sheegay in gaadhigan ay baahi weyn u qabeen, isla markaana uu ka hawlgali doono sooqaadista guud ahaan maxaabiista bukaanka ah ee u baahan in xaaladooda sideg dega loola tacaalo, waxaanu balanqaaday inay ilaalin doonaan.

Wasiirka horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in taliyaha ciidanka asluubtu markasta ugu yimaado sidii ay gacan uga siinlahaayeen baadhitaanka xaalada caafimaad ee maxaabiista bukaanka ah iyo kaalmeynta wixii dawooyin ah.

Wasiirka wasaaradda cadaalada Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ayaa sheegay in bulshada inta ugu nuguli ay ku jirto xabsiyada dalka, waxaanu intaas ku daray in ay jifaan cisbitaalada, waxaanu tilmaamay in duruufo gaar ahi haystaan maxaabiista jeelasha ku jirta.

Geesta kale waxa uu xusay in 14-ka xabsi ee dalka ay ku jiraan maxaabiis ay xaalado caafimaad la soo darsaan, isla markaana culays badan ka soo gaadho ciidanka asluubta Somaliland, balse uu hadda gaadhigani fududaynt doono.

 

Leave a Reply