Shimbiraha Iyo Derejada Iyo Shaqoonka Ciidanka!

0
176

Shimbirka lagu magacaabo Nils Olav ayaa madax ka ah ciidanka ilaalada Jamhuuriga ah ee dalka Norway (Republican Guard in Norway). Shimbirkan oo ah nooca shimbir badeeda loo yaqaana ayay derejadiisu gaadhay Kornayl (Colonel).

Arinta ayaa ka mid aha arimaha yaabka leh ee dunida ka dhacaya, Waxaana la sheegay in sababta  derejdan sare lagu siiyay ay tahay shimbirka Nils Olav iyadoo loo arko inuu yahay nasiibka ciidanka iyo mid faal wanaagsan u ah ciidanka jamhuuriga ah.

Daraasad la sameeyay ayaa iyana cadaysaya in shimbirkan oo laba midab leh , dusha sare oo madow iyo hoosta oo cad uu yahay mid dareenkiisu sareeyo.  Dalka Ingriiska sanadkii 2011 ayaa daraasad lagu soo bandhigay sheegtay inuu Shimbirkani mararka qaarkood uu ku dhaco niyad jab kaasi oo wakhtigaasi aamusa kelidii socda, raashinka joojiyo oo madaxana hoos u dhiga. Taasi oo cadaysay inay jirto xaalad ku timi oo u baahan in wax laga qabto, waxaan ay sheegeen inay shimbiro sidaasi ku dhacady ay daweeyeen oo arimihii ay dareemeyeen markii la hagaajiyay ay sidoodii ku soo noqdeen taasina ay tahayarimo xataa aan iyaga saamayn laakiin bulshada ay la nool yihiin saameeya.

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply