Xikmadaha Maanta

0
240
  • Nin ayaa la waydiiyey waxa keligii cidlada u joogo ? Wuxuu ku jawaabay: “ Rabbigey ayaan la joogaa markaan rabo inuu ila hadlo Qur’aankaan akhriyaa, markaan rabo in aan la hadlona laba rakcadood baan tukadaa”.
  • Markaa sarayso saaxiibadaa ayaa garanaya qofkaad tahay!, laakiin markaad hoos udhacdo adiga ayaa garanaya saaxiibadaa nooca ay yihiin.
  • Qof aan garanayn qiimahaaga markaad la joogto, markaad ka maqnaato ayuu ka murugooda waayidaada.
  • la joog dadka ku qadarinaya, ha udhigin qiimahaaga hoos, hadii qadarinta iyo tixgelinta la miisaamilahaa waxay ka qaalisnaan lahaayeen dhagxanta dahabka ah.
  • kalluunku afkiisa ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidh afkaaga waxaa jira kuwo khaladkaaga raadinaya, xurmee kan ku baahda.
  • loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmiday, musbaarka ayaa ugu jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha la ila dhacayo waad ii cudurdaari lahayd, u cudurdaar dadka, noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana hagaaji.

 

 

Leave a Reply