Boorama(Dawan)44 ka mid ah dhalinyaradii loo xidhay Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorama 8 bishan May ayaa shalay laga sii daayay saldhiga dhexe Magaaladaas.
Taliyaha qaybta booliska Gobolka Awdal Gaashaanle Sarre Cabdikhayre Dugsiiye oo ka hadlay sii daynta dhalinyaradan ayaa waxa uu sheegay in dad dibaha joogaa ku lug lahaayeen Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Boorama.Waxaana uu yidhi”Sida aad ka warqabteen labo toddobaad ka hor Rabshadihii Magaalada Boorama ka dhacay,markaanu baadhis ku samaysanay waxay la haayeen wajiyo kala duwan.waxaana sabab u ahaa kacdoonka qolo dibadaha jooga ayaa qaybta ugu badan sameeyay.intoodii badnayd waa xidhan yihiin 66 kii qof ee xidhnaa waxa xoriyadoodii loo soo celiyay 44 qof,”.
Guddoomiyaha Gobalka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro ayaa waxa uu sheegay in dadka kale ee loo hayo Raabshadihii ka dhacay Boorama la horgayn doono Maxkamadda.Waxaana uu yidhi”Maahmaah ayaa tidhaahda Dab munaafaq shiday ayaa muumin ku gubtaa,way dhacaysaa marka ay wax dhacaan dad badan oo aan shaqo ku lahan in la xidho.waxa aad raali ku ahaanaysaan waalaydin hubinayay xoriyadiina dib ayaa u hesheen,hadaad odhan lahaydeen Magaalada buuqan nooga daaya arinta halkaa inaguma soo gaadheen.cida la hayana Maxkamad ayaa la horgaynayaa,”.
Sidoo kale Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Axmed Warsame ayaa waxa uu tilmaamay in uu soo dhawaynayo in xoriyadoodii loo soo celiyo 44 ka mida dhalinyaradii loo xidhay Rabshadihii ka dhacay Magaalada Boorama.