Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka Hadlay Kulan uu la Qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka (Sweden)

0
137

Sweden (Dawan) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dawladda Sweden.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu sheegay in uu xildhibaanada uu la kulmay ee ka tirsan Baarlamaanka (Sweden), uu warbixin ka siiyay xaalada guud ee dalku halka ay marayso iyo in la soo afjaray khilaafkii doorashooyinka uga xogwaramay

Faysal Cali Waraabe oo faahfaahin ka bixinayay u jeedada uu socdaalkan uu ku marayo Wadamada Yurub.Waxa uu yidhi”Socdaalkaygu waxa uu ahaa mid aan kaga shaqaynayay midnimada qaranimada Somaliland iyo iyo isbarbartaaaga

Ciidamada qaranka,waxa aan la kulmay Guddoomiyaha Xildhibaanada Baarlamaanka Swedan ee taageera Somaliland,oo tiradooda aanan sheegan madaama cadawgeenu uu badanyahay.waxaana aan uga waramay dalku halka uu marayo iyo in murankii la soo afjaray oo la qabto doorasho xora oo xalaala sidii caadada inoo ahaan jirtay.waxaana aan u sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ahaayeen labo dal oo isku biiray oo kala baxay sidii Suuriya iyo Masar.waxa ina Ictiraafay 35 wadan qadiyadeeenu maaha mid muran gali karta, shantii Soomaaliyeey meesha waa ka baxday,”.

Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxa naqdiyay dadka dalka dibadiisa ku sugan ee shacabka kala qaybiya.Waxaana uu yidhi”Kuwa Umadda Somaliland kala qaybinaya ee cadawga gacanta siiya meelahaa ka qayliya ee kala saarila qofka ay neceb yihiin iyo qaranka liiskooda waan hayaa sharci ayaan ka saari doonaa Xisbi ahaan.

Leave a Reply