Duqa Caasimada Hargeysa oo Daah-Furay Nalalka Baabuurta Kala Haga

0
130

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa daahfuray wajigii koobaad ee nalalka baabuurta kala haga, kuwaas oo muddo dheer kadib laga hirgeliyay jidka isku xidha xarunta CID-da, biriishka ka koobaad iyo suuqa hoose.

Sidoo kale Maayir Cabdikariim waxa uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono nidaamka waddo marista iyo jihooyinka gaadiidku marayaan.

Geesta kale waxa uu sheegay in dhammaan lawada dhisi doono waddooyinka dhexmara gudaha magaalada Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Bulshada caasimada Jamhuuriyadda Somaliland waxa aanu u balanqaadayna in Hargeysa dhawaan yeelan doonto, meelkasta oo waddooyinku ku kulmaana waa lagu xidhi doona, waxaana dib u eegis lagu sameyn doona nidaamka waddo mariseed iyo jahooyinka baabuurtu marayaan ee ay u kala soconayaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Sidoo kale dhammaan jidadka caasimada waala wada dhisi doonaa, kambanigii keenayna waanu uga mahadcelinaynaa in uu allaabta ku keenay wakhtigeedii, sharciga aynu u dhaga nuglaano si aynu u dhisano magaalo wanaagsan”

Taliyaha laanta galbeedka ee ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa sheegay in ciddii ku xadgudubta hanaanka cusub ee waddo marista laga qaadi doono tallaabo la xidhiidha arrintiisa, isla markaana uu mutaysan doono ganaax adag.
waxaanu yidhi.“Waxa aanu diyaar u nahay in aanu ilaalino sharciga dirawaliintana waxa aanu farayna in aanay ku xadgudbin nalalka baabuurta kala hagaya, haddii ay dhaafaan nalka oo casaan ah oo aan fasaxin gaadhi ayay jiidhayaan, oo qof ayay jiidhayaan, marka waxaanu wadayaasha gaadiidka ka codsanayna in ay nidaamka iyo sharciga iyo kala danbaynta aad u ilaaliyaan.

Aniga oo ah taliyaha qaybta galbeedka ee nabadgelyada waddooyinka waan soo dhawaynaya horumarka duqa caasimadu waddo.

Qofkii u hoggaansami waaya sharciga ayaa la horgeynayaa, ganaax culusna waala saarayaa, xeerka nabadgelyada waddooyinka ayaa lagu fulinayaa haddii ILLAAHEY yidhaahdo,”.

Qaybaha kala duwan ee bulshada caasimada Hargeysa ayaa siweyn u soo dhaweeyay hirgelinta nalalka kala haga baabuurta ee hirgelin tooda ay ku guulaysatay dowladda hoose.

 

 

Wasiir kuxigeenka

Leave a Reply