Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Kormeer shaqo ku Tagay Boorama

0
154

Borama (Dawan) Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, oo safar shaqo ku tagey gobolka Awdal ayaa xadhiga ka jaray Xanaanooyinka Hooyadda iyo dhalanka ee degaanada Ido-cadays iyo Garaaca ee gobolka Adal.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehelinayay wasiirku xigeenka Wasaaradda Macdanta tamarta iyo Macdanta, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada, isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka Awdal, duqa degmada Lughaya,iyo masuuliyiin ka socotay Ha’yadd Camuud Foundation.

Wasiirku xigeenka oo halkaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay ayaa bulshada deegaanada laga hirgeliyay xarumahan Caafimaadka kula dardaarmay inay ilaashadan xaruman sidoo kalena ka faa’iidaystaan xarumaha lana shaqeeyaan Shaqaalaha Caafimaadka ee u adeegaya.

Hay’adda waddaniga ah ee Camuud Foundation ayaa inta badan ka shaqaysa arrimaha horumarka iyo samafalka, waxaanay ku dadaasha in degaanada baahiyaha bini’aadanimadu ay ka jiraan ay ka hirgeliso adeegyada aasaasiga ah.

 

 

Leave a Reply