Xukuumada oo Sheegtay in Dowlada Sacuudigu Joojisay Xoolihi u Dhoofi Jiray

0
220

Hargeysa (Dawan) Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Sacuudi Carabiya ay joojisay xoolihii Somaliland ee u dhoofi jiray dalkeeda.

Wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumeysiga Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed, oo waraysi siiyay muuqbaahiyaha HCTV, ayaa sheegay in amar kasoo baxay Jidda ay xooluhu ku istaageen.

Waxaanu yidhi.”Hakadku xaga Jidda ayuu ka yimid, xooluhu dalal badan ayay u dhoofaan, dalalkaas oo dhan way u furanyihiin, wayna hagaagaysa haddii ILLAAHEY yidhaahdo, mana raagayso”

Wasiirka oo ka warbixiyay sababta loo joojiyay dhoofka xoolaha Somaliland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan ku leedahay joojintooda, balse uu ka howlgali doono xal u helisteeda.

Xoolaha ayaa ah mid kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay dadka reer Somaliland dakhliga ka helaan, iyadoo sannadkan uu iibkoodu aad u fiicnaa isla markaana malaayiin neef ay ka dhoofeen dekedda Berbera.

Dowlada Sacuudiga ayaa marar kala duwan joojisay dhoofka xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumadda Somaliland.

 

Leave a Reply