Wasiirka Deegaanka JSL oo Qaabilay Madaxa Hello Trust ee Geeska Afrika

0
139

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa xafiiskeedda ku qaabishay haayadda The Hallo Trust.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka wuxuu ku qaabilay madaxa mashaariic deegaanka ee gobolka Geeska Afrika u qaabilsan haayada The Hallo Trust Mr. Ralph Legg.

Waxaana la sheegay in kulankaasi ay labadda dhinac kaga wadahadleen sidii haayadda The Hallo Trust, ay uga soo biiri lahayd wax- ka qabashada iyo daryeelka Deegaanka Somaliland.

“Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii haayadda The Hallo Trust, ay uga soo biiri lahayd Wax- ka qabashada iyo Daryeelka Deegaank Somaliland” ayaa lagu yidhi war kooban oo laga soo saaray kulankaasi.

Sidoo kale kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasime Guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee wasaaradaasi.

Geesta kale madaxa mashaariic deegaanka ee gobolka Geeska Afrika u qaabilsan haayada The Hallo Trust Mr. Ralph Legg, waxaa booqashadan ku wehelinayay saraakiil ka tirsan haayadaasi.

Haayadda Hello Trust, oo hore Somaliland uga fulisay mashaariic kala duwan oo qy ugu weynayd Miinno-saarku, ayaa waayadan danbe qorshaynaysa sidii ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ugala shaqayn lahayd arrimaha wax ka qabashadda isbedelka cimiladda.

 

Leave a Reply