Daneeyayaasha Laydhka Magaalada Hargeysa Oo Daah Furay Hal-abuur Aragtiyeed ay ka Wada Leeyihiin Magaalada Hargeysa

0
86

)- Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo Komishanka Nidaaminta Tamarta Somaliland ayaa ku dhawaaqay wax-ka-beddelka shabakada Korontada magaalada Hargeysa.

Dhagax-dhigga mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in uu wax ka beddelo habka qaybinta iyo isticmaalka korontada ee caasimaddeenna Hargeysa, si loo kobciyo waaritaan, adkaysi iyo hufnaan.

Hindisuhu waxa kale oo uu awood siin doonaa bulshada iyo ganacsiyada in ay si weyn u xakameeyaan isticmaalka tamarta iyada oo loo marayo qiyaasaha suggan, helitaanka xogta wakhtiga dhabta ah, iyo agabka maaraynta tamarta.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Tamarta Md. Cabdillahi Faarax Cabdi oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay “Waanu samaynay inaanu soo bandhigno hindise-sharciyeedka Korontada Magaalada, kaasoo ka dhigan horumar ballaadhan oo xagga qaybinta tamarta iyo maamulka ah.”

Anagoo kobcinayna hufnaanta tamarta, isdhexgalka la cusboonaysiin karo, iyo adkeysiga xadhkaha, waxaan hiigsaneynaa inaan abuurno magaalo safka hore kaga jirta dhaqamada tamarta waara.

Eng. Axmed Cadarre, Guddoomiyaha Komishanka Xakamaynta Tamarta Somaliland ayaa yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu ku dhawaaqno in hay’adda sharciyaynta ay ka go’an tahay in ay taageerto hindisaha wax-ka-bedelka shabakada korontadda ee Hargeysa”.

 

Leave a Reply