Dawladda Hoose ee oo xadhiga ka jartay Bar Kaantarool oo laga Hirgaliyay Waqooyiga Hargaysa

0
111

Hargaysa (Dawan) Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa shalay xadhiga ka jartay bar Kaantarool oo ay ka hirgalisay Degmada 26-ka juun gaar ahaan xaafadda Cayngal, kaasi oo noqonaya Kaantaroolka Waqooyi ee magaaladda, isla markaasi markii hore ahaa magaaladda gudaheeda.

Gudoomiyaha Dawlada hoose ee Degmada 26-ka juun ee Marwo Ismahaan Axmed Cabdi oo hadal kooban ka jeedisay madasha xadhi ka Jarka bartan Kaantarool ayaa u soo jeedisay dhammaan gaadiidlayda in ay soo maraan Kaantaroolkan siu u u noqdo mid shaqeeya, sidoo kale waxa ay fartay wadayaasha gaadiidka Waqooyiga u baxa in aanay ka baydhin Kaantaroolkan balse ay adeegsadaan oo ay soo maraan, waxaanay ku wargalisay in cidii ka baydha laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Bartan Kaantarool ayaa ka qayb qaadanaya sugida amniga iyo kordhinta dakhliga cashuuraha, maadaama gaadiidlayda laga qaadayo cashuurta ku waajibtay, taasina ay noqonayso mid iyaga wax loogu qabto.

Marwo Ismahaan waa gudoomiyaha kaliya ee haween ah gudoomiyayaasha caasimada Hargaysa, balse waxa ay ku dhiiratay inay jirgaliso barta Kaantarool ee Waqooyiga HargaysaDawladda Hoose ee Hargaysa ayaa xadhiga ka jartay Bar Kaantarool oo laga Hirgaliyay Waqooyiga Magaaladda

Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa shalay xadhiga ka jartay bar Kaantarool oo ay ka hirgalisay Degmada 26-ka juun gaar ahaan xaafadda Cayngal, kaasi oo noqonaya Kaantaroolka Waqooyi ee magaaladda, isla markaasi markii hore ahaa magaaladda gudaheeda.

Gudoomiyaha Dawlada hoose ee Degmada 26-ka juun ee Marwo Ismahaan Axmed Cabdi oo hadal kooban ka jeedisay madasha xadhi ka Jarka bartan Kaantarool ayaa u soo jeedisay dhammaan gaadiidlayda in ay soo maraan Kaantaroolkan si u u noqdo mid shaqeeya, sidoo kale waxa ay fartay wadayaasha gaadiidka Waqooyiga u baxa in aanay ka baydhin Kaantaroolkan balse ay adeegsadaan oo ay soo maraan, waxaanay ku wargalisay in cidii ka baydha laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Bartan Kaantarool ayaa ka qayb qaadanaya sugida amniga iyo kordhinta dakhliga cashuuraha, maadaama oo ay marin u noqonayso gaadiidka u baxaya Waqooyiga caasimada, si fududna lagu ogaan karo wixii ka qaldama gaadiidkaasi, sidoo kalena ay ka qayb qaadanayso korodhka dakhliga dalka maadaama gaadiidlayda laga qaadayo cashuurta ku waajibtay, taasina ay noqonayso mid iyaga wax loogu qabto.

Marwo Ismahaan waa gudoomiyaha kaliya ee haween ah gudoomiyayaasha caasimada Hargaysa, balse waxa ay ku dhiiratay inay hirgaliso barta Kaantarool ee Waqooyiga Hargaysa.

 

 

Leave a Reply