Dhismaha Biriishka 3-aad ee Hargaysa oo Dib Loo Bilaabayo

0
101

Hargaysa(Dawan) Guddida dhismaha birishka saddexaad ee magaalada Hargeysa, ee Shiraaqle oo isku xidhaya degmooyinka Axmed Macalin Haarun iyo Maxamed Mooge, ayaa dib u bilaabay shaqadoodii kadib markii muddo ay hakad ku yimid sida ay sheegen.

Guddida oo ay wehelinayaan mudanayaal ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo dhismaha Biriishka saddexaad ee caasimada Hargeysa iyo wax yaabaha keenay in hakad ku yimaado dhismaha biriishkan.

Maxamuud Axmed Nadiif, Axmed Naasir Dacar oo ka mida guddida gacanta ku haysa dhismaha Biriishka iyo guddoomiyaha guddidaasi Injineer Cumar Yuusuf Cismaan, ayaa faahfaahin ka bixiyay duruufaha keenay in la hakiyo hawshii ka socotay biriishkaasi, qaadhaanka ay gacanta ku hayaan iyo farsamada dhismaha iyo nashqadaynta biriishka oo iyana gaba-gabo ku dhaw, waxaanay sheegeen in 3-dii bilood ee u danbeeyay dhismihii biriishka iyo qaadhaankii loo ururinayay intaba hakad ku yimid, kadib markii duruufo badan oo dalka soojahay ay ka saameyn bateen.

Sidoo kale waxa ay bulshada ugu baaqeen in dib loo bilaabay dhismihii iyo qaadhaan ururintii Biriishka, isla markaana cidkasta laga doonayo wixii ay hore ugu balanqaaday inay soo bixiso, ciddii kale ee wax ku darsanaysana inay guddida la soo xidhiidho, waxaanay intaas ku dareen in wiil muruq-maal ahi qayb ka yahay dadka sida maalinlaha ah u bixiya qaadhaanka biriishkani.

Guddidu waxa ay shaaca ka qaadeen in 90-kun oo dollar ilaa hadda loo hayo dhismaha biriishka, waxaanay tilmaameen in 180-kun oo dollar uu kaga maqan yahay balanqaad loo sameeyay, sidoo kale waxa ay xuseen in 10 baloodh oo u dhigan 30-kun oo dollar ay u hayaan, waxaanay caddeeyeen guddidu in lacagtaasi isugeyn tahay 300-kun oo dollar.

 

 

Leave a Reply