’Qaranku Liisan Ma Siin Labdii Sano ee u Danbeeyay Jaamacadda Aan Dalka Xirfad Ku Soo Kordhinaynin’’

0
160

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Komishanka Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Ibraahim Amiin Gadiid ayaa sheegay in aanay ka Komishan ahaan liisanka waxbarasho siinin Jaamacadda aan dalka wax xirfad aha aan ku soo kordhinayn, balse taa badelkeeda waxa uu sheegay in loo baahan yahay kaliya jaamacadda soo kordhinaysa xirfad dalka ka maqan.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay dhiirigalinayaan in bulshada laga haqabtiro baahid xirfadaha loo qabo, taasi oo goobaheena waxbarasho aad ugu yar sida uu sheegay.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee Komishanka Tacliinta saree ee Somaliland ayaa ka hadlay inay jiraan laba xirfadood oo ay soo saareen kuwaasi oo shaqadoodu tahay baadiyaha balse ardaydii baratay ay rabaan inay ka shaqeeyaan magaalada, labadaasi xirfadood ayaa agaasimuhu ku sheegay inay yihiina Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha aadna looga baahan yahay dhulka miyiga ah.

Aaasimaha guud ee Komishanka Tacliinta sare ee Somlailand ayaa sidan ka sheegay mar uu la hadlyay arday dhamaysatay waxbarshada jaamacadda Horn ee magaalada Boorama

Waxaanu yidhi ‘’ Komishanka Tacliinta saree e Somaliland labadii sano ee u danbeeyay, ma siinin liisan waxbarasho jaamacadda aan dalka ku soo kordhinaynin xirfad imikana diyaar uma aha inuu aqoon ay hore jaamacaduhu u dhigi jireen inay kusoo kordhiyaan balse waxaa loo baahan yahay jaamacadda ama madal furaysa aqoon ka maqan dalkan ayuun baanu u baahan nahay hal goobna ha noqotee, kaasi ayuun baa noola iman karaya baahi inuu furto goob waxbarasho tacliinta sare ah’’.

Agaasimaha Komishanka Tacliinta sare ee Somaliland ayaa waalidiinta ku tabcaya ardayda u soo jeediyay inay dadeelka is raacsadaan oo marka ay ardaydoodu qalin jabiyaan ku taageeraan, qof ba waxa uu bartay inay ka hirgaliyaan xaafadahooda si ay shaqada halkaasi ugu bilaabaan

Waxaanu ydhi ‘’Waalidiinta waxa aan farayaa ardaydan maanta aad ag fadhidaan ee aad kaadooyada daba sidaan ee xafladaha badan loo samaynaayo, muddo 18 sano ugu badnaan, ugu yaraana 16 sano ayaad soo daba joogtay maanta waxa uu kaaga baahan yahay tacabkiisii in aad dhamaystirto.

Inanka shaybaadhka bartay ama gabadha baratay hooyo ama aabo qalabka wax lagu baadho u soo iibi, guriga uu dagan yahay ha fadhiisto dadka jaarka ah ee maalin kasta dhakhtarada la gaynayo ha ku baadho halkaasi.

Gabadha umulisada bartay waalidoow u iibi sariir yar oo ay kaga umuliso jaarka si ay u bilawdo shaqada yaanay dawlad uun wax ka sugine’’.

 

 

 

Leave a Reply