Jaamacadda IBU oo bilowday Diiwaan-gelinta Ardaydii u horaysay

0
136

 

Gar-adag (Dawan)- Jaamacada IBU UNIVERSITY ee Degmada Gar’adag ayaa sheegtay inay bilowday isdiwaangelintii Adeegyada waxbarasho ee Jaamacadaasi bixin doonto, kaddib markii la daah-furay bishii August.

Khadar Cilmi Barre Guddoomiyaha Jaamacada IBU university ee Degmada Gar’adag oo Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ugu horeyn Fariim Hambalyo ah udirey ardaydii dhowaan ka baxday Dugsiyada sare ee Dalka waxaanu ugu baaqay in Jaamacada IBU ee Degmada Gar’adag ay u hayso waxbarasho tayo leh oo qaab casri ah oo loo habeeyay.

Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray in 50-ka arday ee ugu horeeya ee Isdiwaangeliya ay siinayaan Jaamacad ahaan agabka ka saacidaya waxbarashada, gaar ahaan Laptop-yo ay wax ku bartaan.

Waxa uu tilmaamay in Wixii Faah faahin ah ee la xidhiidha macluumaadka waxbarashada Jaamacadda ay Ardaydu ka heli karaan Mareegaha Internetka ay ku leeday, sida; http://Ibarreuniversity.net

Jaamacaddan, ayaa ah mid ka dhisan degmo kamida gobolka Sanaag oo aan hore u lahayn waxbarasho heer Jaamacaddeed ah.

 

Leave a Reply