Wadamada aan Muslinka Ahayn ee Taageeray Falastiin

0
118

Kadib weerarkii cuslaa ee ay Xamaas qaadday iyo duqeymihii iska caabiska ahaa ee Israa’iil, dalalka caalamka iyo masuuliyiinta saamaeynta leh ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey.

Kala duwanaanshahaasi wuxuu ahaa mid la filayey marka laga tago mowqifka dalalka Islaamka oo qaarkood is bedelay inta uu dagaalku socday, qaar kale way ka aamuseen halka Imaaraatka Carabta iyo Masar ay dhaleeceeyeen weerarka Xamaas.

Balse waxaa jira dawlado iyo ururro ama shakhsiyaad aan Muslim ahayn oo taageeray Falastiin si guud isla markaana eedda dusha ka saaray Israa’iil.

Koonfur Afrika

XIGASHADA SAWIRKA,ANC

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa sheegay in falalka ay kooxda Xamaas ee Falastiin ka wadaan Israa’iil in aanu  ahayn wax lala yaabo, iyaga oo sababta ku tilmaamay Israa’iil oo sii heysata dhulka Falastiin.

Xisbigan ayaa muddo dheer taageerayey Falastiin, isagoo aaminsan in dalkaasi uu wajahayo cadaawad sii kordheysa oo la mid ah nidaamkii midab takoorka ee Koonfur Afrika.

“Mar dambe laguma murmi karo in taariikhdii midabtakoorka ee Koonfur Afrika ay ka jirto Falastiin.

“Natiijo ahaan, go’aanka ay Falastiiniyiintu kaga jawaabayaan naxariis-darrada maamulka Israa’iil ee midab-takoorka ah waa mid aan lala yaabi karin,” Bhengu-Motsiri oo ah afhayeenka xisbiga ayaa ku tidhi hadal ay soo saartay Axaddii.

Woqooyiga Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi ayaa  ku eedeysay Israa’iil inay sii xumeyneyso colaadda ka dhexeysa kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, waxayna sheegtay in cawaaqib xumao ay ka dhalan karto “fal dambiyeedka aan joogsiga lahayn ee Israa’iil ay ku hayso shacabka Falastiin.

“Iska horimaad hubaysan oo baaxad leh ayaa dhex maray Xamaasta Falastiin iyo Israa’iil,” sidaa waxa yidhi Yonhap News oo fadhigeedu yahay Seoul, iyadoo soo xiganaysa Rodong Sinmun, oo ah wargeyska xisbiga talada haya ee Kuuriyada Waqooyi.

“Beesha caalamku waxay colaad ugu yeedhaan natiijada fal-dambiyeedka aan joogsiga lahayn ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka Falastiin. Xalka aasaasiga ah waa dowlad madaxbannaan oo Falastiin ah,” ayuu raaciyay maqaalka Rodong Sinmun.

Horaantii, wargeysku wuxuu sidoo kale ku dhaleeceeyay askarta Israel, falalka ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Siyaasiyiinta Ireland

Garabka dhalinyarada iyo xubno badan oo ka tirsan xisbiga wadaniga ah ee Irish-ka Sinn Fein, oo ah xisbiga ugu weyn ee waqooyiga Ireland, ayaa la kulmay dhaleecayn kadib markii ay baraha bulshada ku faafiyeen fariimo lagu taageerayo Falastiin.

Sinn Fein, oo ah garabka siyaasadeed ee hore ee IRA-da, ayaa noqon kara xisbiga ugu weyn ee Jamhuuriyadda Ireland marka la gaadho doorashada 2025 dhacaysa, sida laga soo xigtay ra’yi ururin la sameeyay.

IRA waxay la dagaalantay maamulkii Ingriiska ee Waqooyiga Ireland ilaa heshiis nabadeed laga gaadhay sannadkii 1998-kii, waxayna xidhiidh dhow la lahayd mintidiinta Falastiiniyiinta intii lagu jiray iskahorimaadka 13 ka sano socday ee loo yaqaan “Dhibaatooyinkii”.

Ka dib markii maro weyn oo calanka Falastiin ah uu saaray buur ku taal Belfast, hogaamiyihii hore ee Sinn Fein Gerry Adams, ayuu bartiisa X ee hore loo odhan jiray Witter wuxuu kusoo qoray: ” Buurtu waxay ku dhawaaqaysa! Falastiin xor ah.”

Safiirka Israa’iil u fadhiya Ireland ayaa ku tilmaamay wax (ceeb ah) in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Irishku ay barahooda bulshada soo dhigayaan calanka falastiin.

Siyaasiyiinta dalka Jamhuuriyadda Ireland oo hore uga go’ay Ingiriiska ayaa marar badan u dooda Falastiin iyaga oo maamulka Israa’iil ku tilmaama mid cunsuri ah oo midab takoor ku dhisan.

Xisbiyada Yurub

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Taageerayaasha falastiin oo ku dibad baxaya London

Dalalka reer galbeedku waxay hal ka ahaayeen mowqifka ay ka qaateen dagaalka hadda ee ay qaadday Xamaas iyo taageerada Israa’iil, hase yeeshee waxaan sidaas la qabin qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta, xisbiyada iyo shacabka.

Kasokow dibadbaxyadadad shacab ah ku taageerayaan Falastiin oo ka dhacay qaar ka mid ahYurub iyo Maraykanka; waxaa jira xisbiyo badan oo ka jira Yurub, kuwaas oo Isniintii lagu dhaleeceeyay jawaabaha Falastiiniyiinta taageersan ee ku aaddan weerarka Xamaas ee Israa’iil oo ay ku jiraan ka fogaanshaha cambaareynta Xamaas taa beddelkeedana ay eedda dusha u saareen Israa’iil.

“Xaaladda rabshadaha iyo dhimashada Israa’iil iyo Falastiin waa midhihii gumeysiga iyo midab-takoorka,” ayuu yiri xisbiga garabka bidix ee Podemos ee Spain, oo qayb ka ah isbahaysiga garabka bidix ee talada haya ee uu hoggaamiyo xisbiga Sumar.

“Habka kaliya ee lagu soo afjari karo khilaafka” ayaa ahaa “in la joojiyo la xisaabtan la’aanta Israa’iil” iyo “in la ixtiraamo xaqa ay Falastiin u leedahay aaya ka tashigeeda,” ayaa lagu yiri qoraal uu xisbigu soo dhigay bartiisa X Sabtidii.

Sumar ayaa sidoo kale si taxadar leh u cambaareeyay Xamaas, iysagoo labada dhinacba ku eedeysay dagaalka sii xoogeysanaya.

“Weerarka dadka rayidka ah waa xad-gudub ka dhan ah heshiisyadii Geneva ee sharciga bini’aadantinimada, haddaynu ka hadlayno Xamaas ama Israel,” ayuu yiri afhayeenka xisbiga Ernest Urtasun Isniintii.

Faransiiska, garabka bidix ee La France Insoumise (LFI) ayaa lagu eedeeyay sida ay uga falceliyeen Xamaas.

Sabtidii, sharci-dajiyayaasha LFI waxay ku tilmaameen weerarka Xamaas inuu yahay “weerar hubaysan oo ay qaadeen ciidamada Falastiin”, oo looga hor tagayo “sii xoojinta siyaasadda qabsashada Israa’iil” ee dhulka Falastiin.

 

Leave a Reply