Suuqa Camiran Iyo Ganacsiga Cajiibka Ah!

0
148

Dalka Bulgaariya tuulo lagu magacaabo Mogila oo u dhaw magaalada Stara Zagora ayaa leh caado  yaab leh. Magaaladan ayaa samaysay  bandhig lagu magacaabo bandhiga caruusadaha guurdoonka ah. Bandhigan waalidiinta ayaa ku soo bandhiga hablahooda guur doonka, halkaasi oo raga guurdoonka ahi ay ka dalbadaan inay kuwa ay jeclaadaan.

 

Waxaana raggaasi ka bixiyaan qiime kala duwan iyagoo sidaasin raali ku ah hablaha iyo waalidiinta iyo weliba raga guurdoonka ah. Lacagta uu ka bixinayo ninka guurdoonka ahi gabadha ayaa ah tan uu ku guurasanayo laakiin Maaha macnaheedu inuu gabadha iibsaday sida ay caadada magaaladaasi cadayso. Goobta lagu soo bandhigo ayaa ah suuqa khudaarta.

 

 

Leave a Reply