Heshiis Buuxa oo Laga Gaadhay Shiqaaqadii Deegaanka Cali Saahid

0
100

Togdheer (Dawan) Wafti Uu Hoggaaminaayo Gudoomiyaha Gobolka Togdher oo aya wehelinayaa xildhibaano golaha Guurtida ka tirsan, Taliyayaasha Booliska iyo Asluubta Somaliland ee Gobolka Tog-dheer, Cuqaal, Waxgarad iyo Culimo awdiin ayaa Kormeer ku tagay Degaanada Cali Saahid ee Gobolka Togdheer, halkaas oo laba beelo oo walaalo ahi dhawaan ku dagaalameen.

Ujeeda waftigaa ayaa hayd in heshiis buuxa laga gaadho in labadii beelood ee walaaloha ahaa ay heshiiyaan si nabadda loo wada qaato, waxaaney masuliyintaasi ku guuleysteen in kala diro dadkii walaaloha ahaa ee deegaamkaa Cali Saahid isku hor fadhidey.

Waftiga Masuuliyiintaas ayaa kormeer ku soo marey deegaano ay kamid yihiin Cali saahid, Balli-samater, Balli-Ceynaashe iyo deegaano kale oo hoos yimaada Gobolkaasi Tog-dheer.

Waftigaasi ayaa deegaanaddii ay soo marayeen waxay dadweynaha ku nool kula dardarmayeen sidii meel uga soo wado jeedsan lahaayeen ilaalinta nabadgalyada, waxaaney u sheegeen dadweynahaasi ciddii aragta qof shacab ah oo hub bilaa sharci sita in ay la soo socod siiyaan laamaha amniga si talabadii ku habooneyd looga qaadi lahaa.

Taliyayaal ka tirsanaa ciidanka qaranka Somaliland oo ka howlgala gobolkaasi Tog-dheer ayaa sheegay in qofkii nabadgalyada khalkhalka galinaya ka qaadi doonana talabadii ku habooneyn, iyagoo xusey in aaney u dul qaadan doonin qofkii bulshadda iska hor keenaya.

Dhankoodana, xildhibaano ka tirsan golaha Guurtida Somaliland ayaa xusey inay ku guuleysteen hub ka dhigisna ku sameeyeen dadkii deegaanadaasi cali saahid isku hor fadhiyey, Xildhibanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa inay ku howlan yihiin in wixii tabasho ah ee jufooyinkaasi kala tabanayaan lagu xaliyo miiska wado hadalka.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxmed Cabdilaahi oo gobagabadii halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ku bogaadiyey taliyayaasha ciidanka qaranka Somaliland kaalintii ay ka qaateen Bakhtiinta shaqaqadaasi cali saahid, waxaanu shacabka ku nool deegaanadaasi uu kula dardarmey guddoomiyuhu in ciidanka ay kala shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo xasiloonida deegaankaas.

 

Leave a Reply