Taliyaha Ciidamada Qaranka JSL Oo Gaadhay Talisyada Ciidamada Sanaag

0
98

Ceerigaabo (Dawan) Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa kormeer hawleed ku tagay taliska ciidamada qaranka ee gobolka Sanaag, isla markaana xilalkii u kala wareejiyay Taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Sarreeyo guuto Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub ee dhawaaan xilkaasi loo soo Magacaabay Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi.

Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Taliyaha Cusub ee qaybta Saddexaad ee Ciidanka qaranka Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi iyo taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka qaranka Sarreeyo guuto Muuse Jaamac Delef

oo shalay lagu qabtay taliska Saddexaad ee Ciimada qaranka ee Gobalka Sanaag ee Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qaybgalay Taliyaha Ciidamada qaranka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada qaranka ee Gobalka Sanaag

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo hadal ka jeediyay Munaasibada xilwareejinta ayaa waxa uu kula dardaarmay Saraakiisha cusub ee Ciidanka qaranka ee Gobalka Sanaag in ay sii laban laabaan waajibaadka Ciidan ee ay qaranka u hayaan.

Waxa kale oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani soo kormeeray xeryaha kala duwan ee Ciidamada qaranka ee Magaalada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag, waxaana uu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada qaranka ee Gobalka Sanaag.

Sidoo kale Hogaanka Ciyaaraha ee Ciidamada qaranka Gaashaanle sarre Fanax Cabdi ayaa waxa uu sheegay in socdaalka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland la xidhiidhay u kuurgalida xaalada Ciidamada iyo xil u kala wareejinta Taliyihii hore ee qaybta 3aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Sarreeyo guuto Muuse Jaamac Delef iyo Taliyaha Cusub qaybta 3aad ee Ciidanka qaranka Gaashaanle Sarre Cabdilaahi Suufi.

 

Leave a Reply