Israa’iil oo wadday u diyaar garowga duullaan dhulka ah oo ay ku galaan Gaza

0
137

 

Ciidamada Israel ayaa Axadda maanta ah waday u diyaar garowga duulaan dhulka oo ay ku galaan Gaza kaasi oo ay sheegeen in ay ku doonayaan in ay ku burburiyaan Xamaas, oo asbuucii hore qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israa’iil.

Siddeeddii maalmood ee u dambeeyay tan iyo markii dableyda Xamaas ay weerar aan la sii fileyn ku dishay in ka badan 1,300 oo qof oo Israa’iiliyiin ah, Israa’iil waxa ay kaga jawaabtay olole ba’an oo duqeymo ah ay la beegsatay Gaza oo ay ku dhinteen 2,300 oo qof.

Gebi ahaanba xaafadaha magaalada Gaza ayaa burbursan waxaana cisbitaallada buux dhaafiyey kumanaan kun oo dhaawac ah oo ku sugan deegaankan go’doonsan, balse waxaa jirta cabsi laga qabo in xaaladdu ay ka sii darto.

Israa’iil ayaa ciidamo tiro badan dhoobtay hareeraha Marinka Gaza oo ay ku nool yihiin ilaa 2.4 milyan oo qof, waxaana uu ciidanku sheegay in duullaankoodu uu noqon doono weerar dhul, cir iyo badda ah.

 

Leave a Reply