“Sicir Bararku Wuxuu Asiibaa Bulsho Aan Wax-soo-saar Samaysan

0
98

Dalkasta oo ka mid ah dalalka Caalamka shacabkiisu wuxu lasoo baxaa midhaha beeraha ama macdanaha Dabiiciga ah ee ALLAH ku manaystay dhulkooda Bad iyo Bariga labadaba, Sidaasi awgeed waxa Tusaale kuugu Filan duruufta wakhtigan ka Taagan.

Caalamka ee u sababay Dagaalka Dalalka Reer Galbeedka iyo RUUSHKA oo Qaarada Afrika ku keenay sixir Bararka midhaha Beeraha ee Qamadiga iyo Galayda oo aad iyo aad usaameeyey Guud ahaan Dalalka Dunida Seddexaad ay ugu yeedhaan Reergalbeedku.

Hadaba waxa muhiim ah inaynu ogaano sababta keentay in Dagaalka u dhexeeya Dalka Ukraine iyo Ruushka uu saameeyo Dalalka Dunida guud ahaan gaar ahaan Dalalka Afrika, Sababtu waxa weeye Dagaalka cuntada ee ay wadaan wadamada Reergalbedku oo bilaabmay 1948 kadib Dagaalkii Labaad ee Aduunka waxa ay reer galbeedku go’aansadeen in ay hirgeliyaan hay’ad lagu magacaabo hay’adda cuntada adduunka oo lagu magacaabo WFP, taas oo kaantaroosha waxsoosaarka dunida saddexaad si loola dagaalamo waxsoosaarkooda iyo dabar goynta siidhadhkooda.

Sidaasi awgeed waxan leeyahay shacabka Somaliland sixir Barar kama Badbaado Bulsho aan samaysan wax soosaarka Dalkeeda, Markaa waxaynu ku noolnahay nolol ku xidhan Dalal shisheeye Hadaba ujeedada mowduucani waxan uga socdaa waxa weeye sicir Barar iyo Sarif Bararku waa Dagaal Reergalbeed.

Waxaan u soo Jeedinayaa laba qodob oo mustaqbalka dhow aynu hirgalino Dowlad iyo Shacaba.

Qodobka koowaad, waxaan Golaha Xukuumada Somaliland usoo jeedinayaa inay Beeralayda Dalkeena lagu dhiirigaliyo maalgalin waxsoosaar dhamaan Gobolada Somaliland Qorshaha miisaaniyadana loogu daro kab waxsoosaar.

Qodobka Labaad.waxan usoo jeedinayaa Shacabka Somaliland gaar ahaan Ganacsata inay Hirgaliyaan Maalgashi waxsoosaarka midhaha Beeraha iyo KALUUNKA waxa xaqiiqo ah in sanadka 2025 hadii ALLAH yidhaa in 25% aynu Dalkeena ka hirgalin karno waxsoosar.

Allah Mahad Leh

Wabilaahi Towfiiq

By. Mowliid Aadan Cumar

Hargaysa Somaliland

Leave a Reply