Aaskii Qaaliga Ahaa Iyo Maydka Dahabka Lagu Kanfay!

0
139

Wadaadkii diinta Buudiga Fu Huwi ee dalka Shiinaha ayaa markii uu  dhintay sanadkii 2012 ay kooxhii macabadkiisa oo lagu magacaabo Kung Fu,  go’aamiyeen inay si sharaf leh u aasaan oo ka duwan sida loo aaso dadka kale.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay inuu hawl badan soo qabtay oo ay tahay in la xusuusto, waxayna go’aamiyeen in dhamaan jidhkiisa lamariyo dahab , lana huwiyo dahab oo kafan looga dhigo.

Waxaana uu noqday ninkii aaskiisu ugu qaalisanaa wadaada Buudiiska. Odayga Budiga ah Mr.Fu ayay da’diisu ahayd 94 markii uu dhintay waxaana uu bilaabay wadaadnimada buudiiska isagoo 13 sano ah.

Sida ay aaminsanaayeen buudisku wuxu aha nin si weyn ugu soo sheqeeyay diintooda waxayna ku maydheen biyaha dahabka. Markii danbe waxa la dhigay isagoo sida taallada ah qol muraayad ah oo ku  yaalla Macbadka si looga ilaaliyo in la xado.

Leave a Reply