Hong Kong: 11 kiilo oo daroogada kookeynta ah ayaa laga helay kursi curyaanka

0
141

Saraakiisha garoonka caalamiga ah ee Hong Kong ayaa soo bandhigay 11kiilo garaam oo daroogada kookeynta ah ayaa laga helay Kursiga curyaaminta oo lagu soo dhex qariyay .

Kookayn qiimahiisu yahay $1.5m (£1.26m), ayaa laga helay nin 51 jir ah oo curyaan ahaa Sabtidii.

Ninkan oo ka yimid dalka Caribbean-ka ee Sint Maarten isaga oo sii maray Paris Sabtidii, ayaa la xidhay.

Waxa uu muteysan karaa xabsi daa’in haddii lagu helo dambi ah ka ganacsiga daroogada khatarta ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha Kastamka, Eedeysanaha ayaa gaadhiga curyaamiinta la yimi dalka iyada oo ay ku jiraan laba Boorso oo mid ka mid ah laga helay daroogada markii la hubiyay.

Baadhitaan dheeraad ah oo la sameeyey waxay shaqaaluhu heleen in barkinta fadhiga iyo dhabarka kursiga lagu tolay Daroogada.

Ninkan oo aan ka soo jeedin Hong Kong, isla markaana leh arrimo xagga dhaqdhaqaaqa ah, ayaa la sheegay in uu masuuliyiinta u sheegay in uu yahay maamulaha shirkad baabuurta kirada ah, isla markaana kursigiisa curyaamiinta uu amaah ku siiyay saaxiibkii.

Waxaa la bilaabay baadhitaan la xidhiidha dhacdada.

Saraakiisha Kastamka ayaa sheegay iyaga oo ka jawaabaya helitaanka in ay kordhin doonaan hubinta dadka soo booqda ee ka imaanaya “gobollada khatarta sare leh” si loola dagaallamo dhaqdhaqaaqyada ka ganacsiga daroogada ee caalamiga ah.

Marka loo eego tira koobkoodii ugu dambeeyay, tirada kiisaska laga helay hubinta kastamka ee ku lug leh daroogada khatarta ah 2022 waxay ahayd 931, marka loo eego 906 sannadkii hore. Ilaa 178 qof ayaa loo xidhay dambiyo la xidhiidha sannadkii hore.

Ma aha markii ugu horeysay oo garoonka diyaaradaha lagu arko daroogo lagu dhex qariyay kursiga curyaamiinta. Bishii Nofembar, saraakiisha New York waxay qabteen 450,000 oo doolar kookayn ah oo laga helay taayirrada kursiga curyaanka ee haweeney.

Bishii Sebtembar 2022, ku dhawaad ​​$1.6m oo kookayn ah ayaa laga helay dusha sare ee kursiga curyaanka ee magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Leave a Reply