Shiinaha iyo Ruushka oo hakiyay cunntadii badda ee uu ka iibsan jireen Japan

0
142

Ruushka ayaa Isniintii raacay xulafadiisa Shiinaha joojinta dhammaan cunnada badda ee Japan laga keeno sababo la xidhiidha siideynta Tokyo ee biyaha wasakhda ah ee warshadda Nukliyeerka ee Fukushima ee curyaamisay.

Japan ayaa si weyn u dhaleeceysay duulaanka Ruushka ee Ukraine, halka xidhiidhka Tokyo iyo Beijing – oo sii xoojisay xidhiidhka Moscow – uu sii xumaaday.

Rosselkhoznadzor, oo ah hay’adda Ruushka u qaabilsan habaynta wax soo saarka beeraha, ayaa sheegay inay “ku biirtay tallaabooyinka xaddidan ee Shiinaha ee ku-meel-gaarka ah ee soo dejinta kalluunka iyo badeecadaha badda ee Japan laga bilaabo Oktoobar 16, 2023” oo ah “tallaabo taxaddar leh.”

Waxay sheegtay in xannibaadaha ay sii jiri doonaan “ilaa laga helayo macluumaadka dhammaystiran ee lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo badbaadada wax soo saarka badda…

Dowladda Japan oo mamnuucidda Shiinaha ku tilmaantay mid siyaasadeed iyo mid aan cilmiyeysan, ayaan weli ka hadlin tallaabada Ruushka.

Sannadkii 2011-kii, saddex dab-dhaliye oo ku sugnaa xarunta Nukliyeerka ee Fukushima-Daiichi ee ku taal waqooyi-bari Japan ayaa qarxay ka dib dhulgariirkii iyo tsunami oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​18,000 oo qof.

Laba iyo toban sano ka dib, bishii Agoosto Japan waxay bilawday in biyihii wasakhaysnaa ee ay ku shubto badda Pacific.

Shiinaha oo ka jawaabaya tallaabada Japan ayaa mamnuucay dhammaan cuntooyinka badda ee Japan laga keeno isaga oo biyaha wasakhaysan ku tilmaamay mas’uuliyad-darrao, waxaanay sheegtay in Japan ay badda ula dhaqmaan sidii “bulaacad”.

Koox ka socota hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka – oo uu ku jiro saynisyahan Shiine ah – ayaa lagu wadaa in ay sambal biyo ah iyo kalluun ka qaadaan agagaarka goobtii dhul-gariirka toddobaadkan.

Beijing ayaa sheegtay in Tokyo aanay cadeyn sax ahaanshaha iyo saxnaanta xogta biyaha wasakhda ah ee nukliyeerka iyo in aanay biyuhu dhibaato u lahayn deegaanka badda iyo caafimaadka aadanaha.

Mamnuucidda ka hor, Shiinuhu wuxuu ahaa suuqa ugu weyn ee kalluunka ee Japan, isaga oo xisaabiyay in ka badan $500 milyan oo doolar oo la dhoofiyo sannadkii 2022.

Dowladda Japan ayaa ballan qaaday gargaar dheeri ah oo la siinayo waaxda kalluumeysiga, iyada oo raadineysa inay sare u qaaddo dhoofinta Yurub iyo meelo kale.

Ruushku wuu ka hooseeyey suuqa China, kalluun qiimihiisu dhan yahay ​​$1.7 milyan sanadkii.

Joojintan ayaa astaan ​​ u ah sida Shiinaha iyo Ruushka oo isugu soo dhawaanayaan ka dib dagaalkii Ukraine.

Halka Japan ay iyaduna saaxiib dhow la tahay Maraykanka. Safiirka Japan ee Maraykanka ayaa todobaadkan meel fagaare ah ku cunay kalluunka laga keenay deegaanka Fukushima.

Japan ayaa mamnuucday soo dejinta alwaaxda Ruushka iyo vodka ka dib duulaankii Ukraine, laakiin wax soo saarka badda ee labada dal lama mamnuucin.

Leave a Reply