Wasiirro Xadhiga ka Jaray Ceel Biyood laga Hirgeliyay Degmadda Lughaya

0
72

Lughaya (Dawan): Xubno ka mid ah golaha Wasiiradda  Somaliland ayaa shalay xadhiga ka jaray Ceel Riig ah oo laga hir-galiyey deegaanka Gar-gaara bari ee degmada Lughaya..

Wasiiradaasi oo maalmahan ba safar shaqo ku marayay deegaamo ka tirsan gobolka Selel, ayaa ceelkan ay  xadhiga ka jareen uu noqonayaa kii labaad.

 

Maal-gelinta ceelkaas waxaa iska lahaa Baanka horumarinta Afrika, oo dhaqaalaha soo mariyay urur goboleedka IGAD.

Halka IGAD na ay u sii dhiibtay hay’adda Save The Children, iyadoo  ay la socodka tayadiisa iyo kormeerka guud ay lahayd wasaaradda Biyaha Somaliland.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland, wasiir ku-xigeenka biyaha, guddoomiyaha gobolka Awdal, guddoomiyaha degmadda Lughaya, maamulka deegaanka Gar-gaara Barri, iyo masuuliyiin ka socday haayadda Save The Children.

Ceel biyoodkani Riigga ah ayaa noqonaya kii saddexaad ee noociisa ah oo laga hirgeliyo deegaanka Gar-gaara Barri, iyadoo na la filayo in lagaga bixi doono baahidii biyo yaraanta ee haysatay bulshadda deegaankaasi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Maxamuud Jaamac Warfaa, ayaa sheegay in ceelkani uu ku yimid xukuumadda madaxweyne Biixi, oo ka jawaabaysa codsi hore uga yimid bulshadda deegaankaasi.

Waxaanu tilmaamay in ceel biyoodkani uu noqonaya kii saddexaad ee laga hirgeliyo deegaankaasi.

Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxaanu xadhiga ka jaraynaa ceelkii saddexaad oo laga hirgeliyo deegaankani Gar-gaarra Barri. Xukuumadda oo ka jawaabaysa C

Codsigii hore uga yimid dadka reer Gar-gaara, ayaa keentay in ceelkan la qodo”.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Cabdi Cismaan Dhego-weyne, oo isna halkaa ka hadlay ayaa bulshadda deegaankaasi kula dar-daarmay in ay ceelkaasi ilaashadaan.

“Anigu waxaan idinku boorinayaa, in aad ceelkani ilaashataan. Waxa kaloo aan idinku baraarujinayaa noloshu dhulka ayay ku jirtaa. Waana inaad wax tabcataan, oo aad beeraha qodataan” ayuu yidhi wasiir Dhego-weyne.

Geesta kale C/naasir Xuseen Cabdulle, madaxa haayadda Save The Children, ee gobolka Awdal, ayaa ka warbixiyay dhinacyadda iska kaashaday hirgelinta ceel biyoodkani.

Waxaanu yidhi “Waxaa sharaf noo ah in aan wasaaradda Biyaha Somaliland ku wareejiyo ceelkii labaad ee ay haayadda Save The Children, ka qoddo deegaankani.

Maal-gelinta ceelkani waxaa iska lahaa Baanka horumarinta Afrika, oo soo mariyay urur goboleedka IGAD. Iyadoo IGAD na ay u sii dhiibtay haayadda Save The Children. Wasaaradda biyuhu na waxay kala shaqaysa Save The Children, hirgelinta ceelkani, qaybta ugu weyn ayaanay ka qaadatay, la’aanteed na ma suurto galeen”.

 

 

 

 

Leave a Reply