Madaxweyne ku-Xigeenka oo Socdaal ku Tegay Boorama

0
122

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Weftiga madaxweyne ku xigeenka waxaa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiisa Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), wasiir ku xigeeno, agaasimayaal iyo xildhibaano.

Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisi waxaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Awdal Daahir Xadi, isku-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolka Awdal qaarkood, iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka gobolka Awdal oo soo dhawaynta weftiga madaxweyne ku-xigeenka ka warbixinayay ayaa tilmaamay in ay u kuur gelayaan xaaladaha amaanka, iyo horumarka ee gobolka.

Waxaanu yidhi “Wuxuu u kuur gelayaa nabad-geliyadda iyo horumarka gobolka, wax kale oo ku jiraa ma jiraan”.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, ayaa maamulka gobolka Awdal uga mahad celiyay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanu sheegay madaxweyne ku-xigeenku in ujeedada socdaalkiisu salka ku hayso u kuur galida xaaladaha nabad-gelyada iyo horumarka gobolka Awdal.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inay kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulsahda gobolka Awdal.

Mudane Saylici, oo u jeedadda safarkiisa ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Waxaan u soconaa bulshadda reer Awdal, oo aanu is xog waraysi badan la yeelan doono. Hawlaha amniga, iyo horumarka ba aanu la yeelan doono.

Haddii aanu nahay weftigan ka kooban xukuumadda, iyo xildhibaanadda qaranka, waxaanu u soconaa hawl qaran”.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply